Finland & Sweden oo shin-tiris loo sameeyey gelitaankooda NATO & Ruushka oo markale u gooddiyey

0

(Hadalsame) 12 Abriil 2022 – Finland iyo Sweden ayaa NATO ku biiri xagaaga taasoo ay uga fal-celinayaan weerarka Moscow ay ku qaadday Ukraine, sida uu qorayo wargayska Britain kasoo baxa ee The Times.

Finland ayaa lagu wadaa inay arjiga ay ku codsanayso xubinnimada ay dirto bisha Juun, iyadoo Sweden lagu wado inay markiiba soo raacdo, sida uu sarkaal Maraykan ihi u sheegay wargayska.

Ruushka ayaa isna digniin cusub u jeediyey labadan dal ee dhaca woqooyiga Yurub ee Sweden iyo Finland oo aanu doonayn inay ka mid noqdaan NATO, oo uu ku sheegay ‘agab khilaaf u taagan’.

Afhayeenka Kremlin ee Dmitry Peskov ayaa isna maanta warfidiyeenka u sheegay in ku biirista NATO ee Sweden iyo Finland aysan wanaajin doonin xaaladda Yurub ee maanta.

”Waxaan ku celcelinney in isbahaysigani uu yahay agab khilaaf u joog ah is ballaarintiisuna aysan xasillooni u keeni doonin qaaradda Yurub.’ Ayuu ka digey Peskov.

Labadan dal ayaa dhexdhexaad ahaa sida Austria iyo Switzerland, balse waxaa bilihii dambe aad isu bedelayey ra’yul caamka labadan dal.

Hadalsame Media