“Ciidanku weli ma gaarin halkii ay ahayd inuu maanta joogo!” – Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 12 Abriil 2022 – Waxaa maanta la xusay sanad guuradii 62-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyadoo munaasabad wayn lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Haddaba, Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Sarreeye Gaas, Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa waxa uu sheegay in ciidanku aanu weli gaarin halkii ay ahayd inuu maanta joogo.

Wasiirka ayaa sheegay si ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya uu u noqdo mid awood leh loo baahan yahay in dowlad iyo shacab-ba la taageero.

Wasiirka ayaa isagoo jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa uu u warramay Caasha Ibraahim Aadan oo ka tirsan VOA Somali.

Halkan ka DHEGEYSO…

Hadalsame Media

Facebook Comments