Arrinta qura ee ka dhex muuqatey munaasabaddii dabbaaldegga Ciidanka Xoogga Dalka + Sawirro

0

(Muqdisho) 12 Abriil 2022 – Waxaa saaka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee DF Somalia ku qabsoontay munaasabad lagu maamuusayey 62-guuradii kasoo wareegtey asaaskii Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.

”Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 62-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray qeybaha ciidammada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Yeelkeede, tiiyoo ay tahay in la taageero Ciidanka Qalabka Sida guud ahaanba, iyagana laga doonayo inay taageeradaa kasbadaan una qalmaan, misna marka laga soo tago eedaha loo jeedinayo ciidanka min hab-dhaqankooda ciidan, siyaasadda la dhex geliyey iyo ammaanka dayacan, in dunida dimoqraadiga sheegataa ay ka gudubtey dabbaaldeg ciidan iwm, misna waxaa saaka madashii dabbaaldegga ka muuqatey sida ay u qaybsan tahay DF Somalia.

Tusaale ahaan, marka ay timaado 4-ta xubnood ee ugu sarreeya DF Somalia waxaa goobta joogey 2 xubnood oo kala ah: MW Farmaajo & Guddoonkii hore ee Baarlamanka Md Mursal oo ay isaga isku dhow yihiin Farmaajo.

Waxaana madasha ka maqnaa 2 xubnood oo sare; RW Rooble iyo Guddoonkii Aqalka Sare Md Cabdi Xaashi. Waxaa lagu doodi karaa in maadaama haatan xildhibaannadii inta badan lasoo dhamaystiray aysan raggaasi haatan xisaabta ka bexeen, balse ragganba waqtigu wuu ka dhacay wayna joogeen goobta, sidoo kale weli lama dooran raggii bedeli lahaa, marka booska iyaga ayaa usii jooga ugu yaraan si munaasibi ah (ceremonial).

Waxaan sidoo kale goobta joogin Wasiirka Gaashaandhigga iyo xitaa mida Ammaanka Qaranka oo iyaguna ka tirsan, waana ka xumahay runtii inaan sidaa iraahdo waase rune, ”Garabka RW Rooble”.

Sidaa darteed, munaasabaddii saaka waxay ahayd mid muujinaysa sida ay u qaybsan tahay DF Somalia, iyadoo la oran karo waxaa goobta tegey ”garabka MW Farmaajo”, taasoo lafteedu ah mid ah sida loo hanan waayey hoggaanka dalka iyo isku wadka dadka.

Si kastaba, hambalyo ayaan leenahay Ciidanka Xoogga Dalka.

Tifaftirka

Hadalsame Media