Somalia waa dal ka mid ah kuwa dabiici ahaan ugu HODANSAN misna farsamo ahaan ugu DIIHAALSAN dunida

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2022 – Dhab u eeg ka Soomaali ahaan, waxaan dhaqanaa saddexda Meesi oo xoolo ah, caynad walba oo falashada beeraha ah, halka Kalluumaysigana aan leenahay xeebaha ugu dheer adduunka gaar ahaana kuwa ugu dheer Afrika.

Haddana sidaas oo ay tahay waxaan sannad walba la daalaa dhacnaa abaaro baahsan oo caradeena saameeya.

Abaaro aan ka dhicin, duni inteeda badan nolol ka jirin ayaa innaga inna halakeeyey, abaaro aan saamayn dunida sannad badidii baraf ka da’o ayaa innaga inna la hadhahay, oo asaageen innaga reebay.

Haddana waxaa layaab kale ah; in isla sannadka gudihiisa biyo inna halaagaan, oo fatahaada Webiga iyo rogmadka Dooxooyinka ay mararka qaar innaga burburiyaan wixii duunyo aan tacabnay muddo badan.

Wax walba oo innaga innagu dhaca waxaa dhaba in ay aqoon daro, madawnimo iyo jahli baahsan tahay.

Abaaraha, Collaadaha, Fatahaadaha iyo nidaam xumada waxaa aabo u ah; aqoon daro inna biyo dhigay, taas oo laga ga bixi karo oo kaliya in si dhab ah loo darso meesha qaladku ka jiro, lana badalo hab-fikirka hadda lagu jaan-gooyo maaraynta iyo maamulida hanaankeena dawladnimo, lana helo aragtiyo ka duwan kuwa hadda aan ku dhaqanno.

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin

Hadalsame Media

Facebook Comments