DAAHA GADAASHIISA: Ruushka oo ka warhelay arrin ay Maraykanka iyo Ingiriisku ka wadeen gudaha Ukraine (Sirdoonka dal Galbeed ah oo kashifay)

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2022 – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee UK iyo Maraykanka ayaa ku sugnaa dalka Ukraine tan iyo markii ay bilowdeen dagaaallada kala dhaxeeya Ruushka dabayaaqadii bishii Febraayo, sida ay sheegayaan ilo ka tirsan Sirdoonka Faransiiska oo u warramay Le Figaro usbuucii hore.

Sheegashadan waxaa kashifay weriyaha caalamiga ah ee wargayska, Georges Malbrunot Sabtidii, isla maalintii uu Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Boris Johnson uu booqasho lama filaan ah ku tegey Kiev.

Hoggaamiyaha Ingiriiska ayaa lagu soo warramay in ay ku hareeraysnaayeen ilaalo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee SAS ee caanka ah, inkasta oo aan sheegashadan si rasmi ah loo xaqiijin.

Unugyo ka tirsan SAS “ayaa Ukraine joogey tan iyo bilowgiii dagaalka, waxaa sidoo kale dalkaa jooga Ciidamada Maraykanka ee Delta Force,” ayuu Malbrunot soo tweet gareeyey isagoo xiganaya ilaha Sirdoonka Faransiiska.

Wuxuu intaa raaciyey in Ruushku uu si wanaagsan uga warqabo wax uu sheegay “dagaalkan qarsoodiga ah” ee ay cududahan qalaad gaar ahaan Komaandooskani halkaa ka wadaan.

Le Figaro ayaa warbixintan ku daray xigihiisa dalka Ukraine. Boqortooyada Midowday (UK) iyo Maraykanku waxay ka mid ahaayeen taageerayaasha ugu firfircoon ee Kiev. Johnson ayaa lagu soo warramayaa inuu si shakhsi ahaan ugu boorriyay dhiggiisa Ukraine ee Volodymyr Zelensky inuu sii wado dagaalka ka dhanka ah Ruushka oo aanu ogolaanin nabad ilaa shuruudo wanaagsan loosoo bandhigo.

Qorshaha dagaal hurinta ee reer Galbeedka ayaa sida muuqata todobaadkii hore xaqiiqoobey kaddib markii uu Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, uu Sabtidii sheegay in “dagaalka loogu guuleysan doono oo qura goobta dagaalka” mar uu isaguna sidoo kale booqanayey Kiev.

Warbaahinta British-ka ah ayaa horay dhowr sheeko uga qortay saraakiil “howgab ah” oo SAS ihi ay ku biireen dagaalka Ukraine si ay khibrad iyo aqoon ugu biiriyaan iska caabinta ay wadaan.

Yeelkeede, waxay qoreen in mushaharooyinkooda uu bixinayo dal kale oo “Yurub ah oo aanay magac dhabin, kaasoo lacagaha u marinaya sharikaad ammaan oo gaar ah” halkii ay Dowladda UK ka masruufi lahayd, sida lagu qoray facsharka caanka ah ee Daily Mirror.

Hadalsame Media