Ruushka oo caddeeyey inuu weerarka Ukraine ka leeyahay ISTARAATIJIYAD culus oo ka dhan ah Maraykanka

0

(Moscow) 11 Abriil 2022 – Howlgalka millateri ee Ruushku uu ka wado dalka Ukraine ayaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro nidaamka aduunka ee uu Mareykanku gacanta ku hayo, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Washington waxa ay raadinaysaa sarrayn iyada oo soo rogtey sharciyo hal-dhinaclayaal ah iyadoo ku xadgudbaysa qawaaniinta caalamiga ah, ayuu ku andacoodey, waraysi uu siiyay telefiishanka Ruushka Isniintan.

Waxa uu tixraacayey isku dayga Maraykanku uu ku doonayey in uu ku soo rogo waxa loogu yeero “sharciga saamaynaya nidaamka caalamiga ah,” kaas oo iska caabin xooggan kala kulmay Moscow iyo Shiinaha.

“Howlgalkeenna millateri ee gaarka ah waxaa loola jeedaa in aan ku joojino is ballaarinta aan xishoodka lahayn ee [NATO] iyo jihaynta aan xishoodka lahayn ee ku wajahan xukunka buuxa ee Maraykanka iyo saaxiibadiisa reer Galbeedka ee masraxa adduunka,” ayuu Lavrov u sheegay hilinka Rossiya 24, isagoo xitaa saaxiibbada Galbeedka ku tilmaamay dad uu Maraykanku iska yeeshay (subjects).

“Xoog ku qabsigani waxa uu ku dhisan yahay ku xadgudbi wayn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xeerarka qaarkood.” ayuu raaciyay.

Lavrov ayaa sidoo kale furka ku xooray Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, kaddib markii uu Sabtigii u muuqday mid dhiirigelinaya dagaallo kale oo ka dhaca Ukraine.

Diblomaasiga ugu sarreeya ururka EU ayaa sheegay in “dagaal loogu guuleysan karo uun goobta dagaalka” isagoo ku dhawaaqay gargaar millateri oo dheeraad ah oo uu siinayo Kiev Sabtidii.

Lavrov ayaa hadalkaasi ku tilmaamay “wax laga xumaado.” “Marka madaxa doblamaasiyadeed… uu yiraahdo khilaafka waxaa lagu xallin karaa oo keliya tallaabo millateri… Hagaag, wuu qalday ama wuxuu hadlay isagoon ka fikirin, isagoo ku hadlaya hadal aanay cidina waydiisan inuu yiraahdo. Laakiin waa hadal aad looga xumaado.” ayuu Lavrov raaciyey.

Hadalsame Media