MW Jubbaland oo kashifay qorshe si hoose u socda isagoo aad uga dayrinaya halka uu dalku marayo

0

(Kismaayo) 11 Abriil 2022 – MW Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa xalay ka hadlay xaaladda guud ee uu haatan dalku marayo iyo 16-ka kursi ah ee ay doorashadoodu taallo magaalada Garbahaarrey ee Gobolka Gedo.

MW Madoobe ayaa u soo jeediyay MW Farmaajo, oo uu sanadkii tegey waqtigu ka dhacay, in qorshahiisa ku aaddan jihada Gobolka Gedo uu yahay in loo kala qeybiyo labadooda, taasoo uu gaashaanka u daruuray, xilli uu la hadlayey qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee lagu doortay magaalada Kismaayo.

”Kuraas aan la qaban ee ergadii la iigu imaanayo ee la ileeyahay aan idiin kala qaybinbo adiga iyo Farmaajo ma garan karo macnahaas waxa uu noqonayo, Xildhibaanka qaado la i leeyahay sidee yeelayaaa oo halkee gaynayaa,” ayuu warkiisa ku yiri Madoobe.

”Waxa aan rabaa in ay dhacdo xor iyo xalaal ah xitaa halka kursi haba u sharraxaan 10 musharrax, kursi Axmed ahaan aan qaadanayo ee aan ku gorgortamayo ee aan dhahayo Cali qaado Cumarna isii ma jiro, doorasho furan oo ay goobjoog ka tahay beesha caalamka hala qabto. Heshiiskii 17-ka Sebtembar waxa aan ku galay in kahor doorashada Gobolka Gedo gacanta Maamulka lasoo geliyo, Maxamuud Sayid Aadan oo ah MW Xigeenka Jubbaland ah oo ahaa nin Xildhibannadii 10-ka ahaa u qaybinayey xilligii (Embagatti Kenya) yaa ka mudan in looga dambeeyo maamulka kuraasidan,” ayuu is waydiiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wuxuu intaa ku daray Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, uu sidoo kale aad u duray hab-dhaqanka aadka u hooseeya ee ay muujisay Hay’adda Nabad Sugidda NISA, isagoo wax laga xishoodo ku tilmaamay warqaddii Hay’adda NISA ee ay ku qornayd in MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Maxamed Xuseen Rooble la beegsanayo oo uu kusoo socdo nin la yiraahdo ”Maxamed Maahir.”

”Billaahi Caleykum, Ciidan Qaran oo Nabad Sugid ah oo ammaanka mas’uuliyiinta oo dhan saaran tahay in warqad rasmi ah soo qaraan oo ay dhahaan Madaxwaynaha iyo Raysal wasaarada nin hebel iyo hebel la yiraahdaa isku qarxinaya, waa amni noocee ah? Waa hay’addii laga sugayey inay inta madaxda hoos ugu sheegto ay iyadu raadiso. Ceebta ka dhacday waxay ahayd in kuwii ay ku eedaynayeen ay xitaa inkireen.” ayuu yiri Axmed Madoobe oo dhaliisha saaray in xildhibaannadii lagu khasbay inay Nabad Sugidda warqado ka doontaan iyaguna ay maqaamkoodii hoos u dhigeen.

Wuxuu Xildhibaannadii uu la hadlayey ku eedeeyey inay ogaadaan in laga soo doortay Jubbaland, balse ay yihiin Xildhibaanno qaran oo uu waajib ka saaran yahay badbaadinta dalka oo uu ku tilmaamay mid maraya meel aan abid horay loo arag oo ay wax kasta isku dhex yaaceen xitaa NISA iyo Al Shabaab, sida uu yiri.

Hadalsame Media