MUUQAAL NAXDIN LEH: Ciidamada Ukraine oo ku khaldamay taangi Ruush ah oo ay hoosta ka galeen & wixii ku dhacay (Daawo)

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2022 – Waxaa weli holcaya dagaalka Ukraine oo bilowday 24-kii Febraayo markii ay Ciidanka Ruushku jihooyin badan kasoo balleeyeen xadka dalka Ukraine, waloow ay haatan ka bexeen dhanka woqooyi oo ay ka kubbaaraynayeen caasimadda Kyiv.

Waxaa soo baxayey muuqaallo badan oo cabsi badan oo ay ku jiraan askar labada dhinac ah oo is laynaysa, tawaangi iyo gawaari dagaal oo toos loo qarxinayo, askari kaligii daroon lagu cayrsanayo, dad rayid ah oo la tooganayo ama la duqaynayo iwm.

Yeelkeede, waxaa haatan soo baxay muuqaal arxan darro ah oo aan la sheegin meesha ay Ukraine ka tahay kaasoo laga soo duubay Ciidamada Ukraine oo ku khaldmaya taangi Ruushku leeyahay kaddib markii ay moodeen mid ay iyagu leeyihiin.

Waxaana la arkayaa ciidamada oo kor taagan taangiga kale oo meel luuq ah taagan oo uu si tartiib tartiib ah ugu soo siqayo taangi kale oo ay Ruushku leeyihiin, laakiin sida muuqata aysan ku baraarugsanayn iyagu.

Wuxuu deeto ku ridayaa hal saalbo oo af-saar ah ciidamadii meesha dhoobnaa oo ilaa 10 gaaraya iyadoo marka laga soo tago inuu madfucu agtooda ku qarxayo ay wax wayn u dhimayso jugta (impact), jabaqda iyo holaca madfaca aadka ugu dhow.

Hadalsame Media