Galbeedka oo mar qura ka war helay Shiinaha oo dal ku yaalla bartamaha Yurub u daabulaya gantaalo casri ah + Sawirro

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2022 – Serbia oo xulafo la ah Ruushka ayaa si qarsoodi ah wuxuu Shiinaha uga helay hubka lidka diyaaradaha taasoo muujineysa awooda Beijing ay ku leedahay Yurub.

Wadamada reer Galbeedka ayaa ka walaacsan diyaargarowgan ciidan ee uu sameeynayo Gobolka Balkan-ku oo ku soo aadaya xilli ay jilicsan tahay oo ay xasaasi tahay nabadda Yurub.

Belgrade waxay kobcinaysey hubkeeda sanadihii ugu dambeeyey iyada oo gacan ka heleysa Ruushka iyo Shiinaha oo ah labad cududood oo ay si istaraatiji ah isu hayaan Galbeedka.

Waxaa ka daran in dhammaan saddexdan waddan aanu midna aqoonsanayn qarannimada Kosovo oo ah gobol ka go’ay Serbia, oo si iskii ah ugu dhawaaqay ka madaxbannaanida Serbia 2008-kii.

Warbaahinta iyo khubarada millateriga ayaa sheegay Axadii in lix diyaaradood oo ah nooca ciidanka cirka ee Y-20 ee Shiinaha ay kasoo degeen gegida rayidka ee Belgrade subaxnimadii Sabtida, sida la sheegayna waxay sideen hannaanka HQ-22 oo ah oo difaacaha dhul-ka-cir oo loo daabulay millateriga Serbia.

Diyaaradaha xamuulka qaada ee Ciidamada Shiinaha oo leh calaamado millateri ayaa lagu sawiray Garoonka Diyaaradaha Nikola Tesla ee magaalada Belgrade.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Serbia si degdeg ah ugamay jawaabin codsiga Wakaaladda Waraka AP oo arrintan faallo ka waydiisey.

Hubkan lagu wareejiyey Serbia oo lasoo dul mariyey dhulka ugu yaraan laba dal oo xubno ka ah NATO, Turkey iyo Bulgaria, ayay khubaradu u arkeen mid muujinaysa sida Shiinaha uu u gaarayo caalamka oo dhan.

Muuqaalka dayuuradda Y-20 oo raxan raxan u socda in lagu arko qalbiga qaaradda Yurub ayaa lafteedu ah arrin walaacinaysa Galbeedka, sida uu qorayo Warzone, iyadoo uu Falanqeeyaha Ciidamada Serbia ee Aleksandar Radic uu sheegay in “Shiinuhu ay sameeyeen muujin awoodeed”.

Madaxwaynaha Serbia, Aleksandar Vučić, ayaa isna guddoonka hannaankan oo ah midka riddada dhexe ku sheegay mid kordhinaysa ”qabka Serbia”, isagoo sheegay in heshiiskan ay Shiinaha la gaareen 2019-kii.

Sawirrada mid ka mid ah dayuuradaha Y-20 ee Shiinaha

Hadalsame Media