Somalia oo hal meel ka samaysay horumar uu caalamku wada qirayo & sababta oo la sharraxay

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2022 – Suuqa xawaaladaha ee Soomaaliya ayaa ka mid noqday kuwa ugu horumarsan caalamka, waxaana lagu tilmaamaa in qurba-joog aad u badani ay xawaaladaha u soo diraan balaayiin doollar sanad walba iyadoo ay dadka degaanku ay lacagta caddaanka ah ka door bidaan lacagta mobayllada.

Sida uu maqaal dheer ku shaaciyey Quartz Africa, xogtihii ugu dambaysey ee Bankiga Adduunka ee 2017 ayaa muujinaysa in 73% dadwaynaha ay da’doodu ka sarreeyso 16-jirku ay door bidaan adeegyada lacagta la iskugu diro telefoonnada — taasoo Somalia ka dhigaysa mid ka mid ah suuqyada ugu diimaamigsan Afrika iyo dunida.

Tiiyoo ay jirto in hannaankan la hirgeliyey 10 sanadood kahor uun, misna in ka badan 3 meelood oo laba meelood waxaa lacagaha Somalia haatan lagu bixiyaa telefoonnada.

In kasta oo Hormuud, oo ah shirkadaha hormuudka ah ee bixiya lacagaha moobillada ee Soomaaliya, ay heshay shahaadada GSMA Mobile Money bishii Maarso ee hore, taas oo ah shahaadada heerka ugu wanaagsan ee isgaarsiinta, misna waddanka Somalia waxa uu beddelayey wejiga xawaaladaha adduunka oo dhan muddo tobannaan sano ah.

Qodobbada ugu waawayn ee ka dambeeya hal-abuurka dalka ee dhanka xawaaladaha ayaa lagu sheegay jawiga shaqo ee adag, nidaamka bangiyada oo daciif ah, siyaasad nidaamisa lacagaha oo aan jirin, kalsooni darro qotodheer oo ka jirta dhanka dawladda iyo lacagta gudaha oo aan ku dhowaad jirinba.

Hal-abuurrada dhanka hannaanka xawaaladaha ayay Somalia caan ku tahay iyadoo dunida ku leh sharikaad waawayn sida Taaj, World Remit iyo Dahabshill.

“Qof kasta oo haysta moobil wuxuu leeyahay adeegyada lacagta mobayllada,” ayuu yiri Cabdullaahi Raage, oo ah falanqeeye cilmi-baariseed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, kana tirsan Xarunta Afrika ee Horumarka Istaraatiijiga ah, oo ah xarun cilmi-baariseed oo Maraykan ah.

“Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waa xog la’aan na haysata—waa ay adag tahay in la helo tiro sax ah. Laakiin waxaan dhihi lahaa in ka badan 9 ka mid ah 10-kii qofiba ayaa isticmaalaan lacagta moobillada ee Soomaaliya.”

Hadalsame Media