Ifafaalaha Balli-Qorraxa oo laga arkay Hargaysa & waxa laga saadaalin jirey waayihii hore + Sawirro

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2022 – Waa maxay GAL ama BALLI-QORRAX oo maalin hore lagu arkay Hargaysa maxaase laga saadiyaa?!

Qorraxdii oo gashay “gal” ama “balli” ayaa maanta lagu arkay Hargeysa, Gabiley, Borama, Jigjiga iyo magaalooyin kale. Soomaalidu way shinsan jireen, oo waxay odhan jireen: “gal xareeda ayay gashay”.

Gal-qorrax “sun halo” waa giraan ilays ah oo ku wareegsan qorraxda marka qorraxda laga dhex arko daruur khafiif ah oo innagaga gudban. Dabcan, maaha isbedel ku dhacay qorraxda, ee waa muuqaal obtikeed “optical phenomena” innoo sawirmaya marka fallaadhaha qorraxdu ku dhacaan wiriq barafeedyada “ice crystals” ama “البلورات الجليدية”.

Muuqaalkani wuxuu saadaal u yahay curashadii gu`ga; waa astaan tilmaamaysa daruuro gibilka/atmosphere-ka ku jira oo dhowaan di`i doona “precipitation”.

Sida xarumaha saadaashu sheegeen, Sabtida (9/4/2022) ayaa la filayaa in roobku ku tiixi doono Boorama iyo Jigjiga, Isniin iyo Talaadana inuu biyo dhigo ayaa la saadaalinayaa.

Deegaannada Hargeysi xuddunta u tahay (min Salaxley, Faraweyne, Gabiley ilaa Bullaxaar), waxaa la saadaalinayaa inuu ku tiixi doono Axadda & Isniinta, Talaadadana uu biyo dhigi doono. Hargeysa Jimcahaba tiixtiix hordhac ah ayaa laga fili karaa.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Dooxada Nugaaleed (Laas Caanood & Garoowe) tiixtiix helaan laga bilaabo Jimcaha iyo maalmaha xiga.

Gu’u waa xilli-roobaadka aan helno 75% roobka innoo da’a.

Ilaahoow gu’ barwaaqo ah!

FG: Wixii runtu tahay Rabbi un baa og.

Waxaa Qoray: Mustafa Fayruus

Hadalsame Media