ATMIS oo sharraxaad ka bixisay bandowga ay soo rogtey & saamaynta dhaarinta Xildhibaannada

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2022 – Qoraal kasoo baxay Howalgalka Nabad Ilaalinta Kala-guurka ah ee Somalia (ATMIS) ayaa lagu sharraxay ujeedka bandowga lasoo rogey.

Bandawga ATMIS oo maanta bilowday islamarkaana soconaya ilaa 17-ka bishan Abriil ayaa lagu soo rogey Xerada Xalane balse waxay sheegeen inuusan ahayn mid looga gol leeyahay in dib loogu Dhigo ama lagu carqaladeeyo dhaarinta Xildhibaannada cusub ee 11-aad ee  muddaysan 14-ka bishan Abriil.

Waxay kaloo sheegeen in aanu sidoo kale caqabad ku noqon doonin dhammaanba howlaha kale ee geeddi-socadka doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen in tillaabadani tahay mid joogto ah oo markii ayaan la joogaba ay sameeyaan si loo hubiyo ammaanka xerada ee aanay ahayn wax cusub.

Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen in dhaarinta Xildhibaannadu ay Xalane ka dhacayso islamarkaana ay mar walba u taagaan yihiin xaqiijiinta amniga guud ee xeradaas.

WAR SAXAAFADEEDKU WUXUU U QORAN YAHAY SIDATAN:

Bayaan kasoo baxay ATMIS oo khusaynaya bandowga Xalane iyo dhaarinta Xildhibaannada Baarlamanka

Howlgalka Midowga Afrika ee Kala-guurka ah ee ATMIS wuxuu jecel yahay inuu sharraxaad ka bixiyo wargelin rasmi ah oo uu sameeyey (ATMIS/HOM/1424.22¨ oo ku taariikhaysan 8-da Abriil 2022 kaasoo ku saabsan bandow buuxa oo ka dhacaya Xerada Xalane 10-16 Abriil 2022.

Bandowgan buuxaa waa tillaabo taxaddar ah oo joogto ah oo uu howlgalku isticmaalayey tan iyo markii uu bilowday 2007-dii si looga hortago in argagixisadu ay jebiyaan hannaanka ammaan ee Xerada Xalane xilliyada ay jiraan halisaha ammaan ee sare, xilliyada dabbaaldegyada iyo howlaha kale ee dowladda iyo saaxiibbada.

Bandowgii ammaan ee ugu dambeeyey ee Xerada Xalane wuxuu dhacay min 17-dii Diseembar 2021 ilaa 8-da Jannaayo 2022 (oo ku beegnayd fasaxii dhamaadkii sanadka).

Bandowgii maanta bilowday ee dhammaanaya 16-ka Abriil 2022, sina looguma tala gelin inuu carqaladeeyo, dib u dhac khasbo, ama uu wax u dhimo munaasabadda dhaarta ee xubnaha cusub ee Baarlamanka ama howl kale oo doorasho ama ay dowladdu ka leedahay Xerada Xalane.

Ujeedka qura ee laga leeyahay waa fududaynta howlaha lagu sugayo in ammaanka xeradu uu noqdo mid hubban iyo meel ammaan ah xilliga doorashada, oo ay ku jirto munaasabadda doorashadu, dabbaaldegga sanad-guurada 62-aad ee asaaskii Ciidamada Xoogga Dalka iyo dhammaanba xilliga Ramadaan.

ATMIS waxay la shaqaynaysaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) si loo hubiyo in dhammaystirka geeddi-socodka doorashada si loo hubiyo inay ku dhacaan jawi rabsho ka caaggan.

Si ka mid ah sharciyaddeeda, oo ay ka mid tahay ilaalinta ammaanka doorashada, Xerada Xalane, Villa Somalia iyo kaabayaasha kale ee Soomaaliya, ATMIS waxaa ka go’an inay la shaqayso wasaaradaha muhimka ah ee ka midka ah DF si loo sugo ammaanka goobaha doorashada iyo musharrixiinta.

Hadalsame Media