Suuqa gubtey ma aha Waaheen ee waa Shiraaqleh!! (Maxaan sidaa u leeyahay?)

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2022 – Waxa aan doonayaa in aynu iska Magacyada aynu adeeg sanaynaa sida ay kala yihiin iyo Magackastaa halka uu caanka ku yahay ,hadaba Magacan layidhaa WAAHEEN kan layidhaa SHIRAAQLEH maxay ku kala duwan yihiin?!

Marka aynu ka hadlayno asalka Suuq-waynahu sida uu u dhan yahay Magaca sida saxa ah Taariikhda u gashay loona yaqaana waa SHIRAAQLEH (MUUSE SHIRAAQLEH).

Jahooyinka Suuqan Shiraaqleh waa sidan:

Ka bilaw Tiyaatarka Hargaysa, raac Jidka dhexe ee wayn illaa Telsom,kadibna u leexo Koonfur dhinaca Xero-Hadhuudha soco illaa Biriijka wayn ee Hargaysa afkiisa, kadib soo raac Dooxa adoo usoo kacaaya dhanka Bari illaa aad ka imanayso wadada dhabarka kasoo gasha Iskuulka Riis , intaasi ayaa Shiraaqle laysku yidhaa.

Lakiin Magacan WAAHEEN waxa asal ahaan Dadka reer Hargeysa , Dawladii hore iyo tan Somalilanba ay u yaqaneen saxna ah dhismahii ay dhistay Dawladii Siyaad Barre waana Dhisme ku dhex yaala Suuqa wayn ee shiraaqleh loona yaqaanay Sariibada Waheen.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah marka aynu ka hadlayno Masiibada Gubashada Hargeysa ku dhacday waa ay ila khaldan tahay in xataa Madaxdii Dalku aanay aqoonba u lahayn Magacyada sida saxa ah ay Hargaysa u leedahay.

Iminka Suuqa Gubtay maaha WAAHEEN ee waa SHIRAAQLEH ,Waheen waa dhisma yar ee ku dhex yaala Suuq waynaha SHIRAAQLEH.

Tuusaale kale aan idin siiyo: Waxa aad in badan maqasheen Suuqa loo yaqaano IDAACADDA amma GOBANIMO , Suuqa Gobanimo waxa layidhaa Dhisamhii uu dhisay xilligii uu Meeyarka uu ahaa Cawl Cilmi Cabdalla IHN ,waxaanu ku yaalaa Afaafka Koonfureed ee Idaacada ama Radio Hargeysa ,lakiin Suuqa Gobanimo waxa uu ka mid yahay Suuq waynaha Idaacadda.

Waxa laga yabaa in aanay dad badani la socon Magacyadan iyo sida ay ku kala baxeen amma waxyaabaha ay ku kala astaysan yihiin, waxa ila fiican in Dawladu ay xil iska saarto saxida Magacyada Suuqyada iyada oo markasta la raacaayo Caannimada Magaca iyo Tariikhda iyo raadka uu ku leeyahayba Hargeysa iyo dhamaan dalka oo dhan.

Waxa aan din qoraal dhamaystiran kasoo qori doonaa suuqan iyo asaaskisii iyo waliba sidi uu ku baxay magacan Shiraaqleh (Muuse Shiraaqleh)

Adiga akhriste maxay kula tahay?

W; Q: Khadar Ibrahim Aar

Hadalsame Media