”Sidaan isku huri mayno!” – Ruushka oo ka digey inay Maraykanka laftiisa la dagaallami karaan haddii….

0

(Moscow) 09 Abriil 2022 – Wadamada reer Galbeedka, ee “hubka ku guraya” Ukraine, waxay halis ugu jiraan inay u horseedaan in Maraykanka iyo Ruushku “ay maraan jidkii iska horimaadka tooska ah ee millate,” ayuu yiri Danjiraha Moscow ee Washington, Anatoly Antonov, oo hadlay.

Tan iyo markii uu bilowday weerarka millateri ee Ukraine, wadammada NATO iyo xulafadoodu waxay ka gaabsadeen ku lug lahaanshaha tooska ah ee dagaalka, laakiin waxay si firfircoon Kiev u siinayeen hub iyo rasaas.

Marka ay sidaa yeelaan, sida uu qabo Safiirka oo wareysi uu siiyay Newsweek, dawladaha reer Galbeedka waxay “si toos ah ugu lug leeyihiin dhacdooyinka hadda socda” waxayna hurinayaan “dhiig kale oo daata.” Antonov ayaana falalkan ku tilmaamay “khatar” iyo “daandaansi.”

“Waxay taa ku horseedi karaan in Maraykanka iyo Federayshanka Ruushku ay qaadaan dariiqa iskahorimaadka tooska ah ee millateriga. Hub kasta iyo qalab oo millateri oo ka yimaada reer Galbeedka, oo ay kolonyo gaadiid ihi la dhex maraaan dhulka Ukraine, waa bartilmaameed millateri oo sharci ah oo ay beegsan doonaan ciidamada qalabka sida ee Ruushka.” ayuu yiri, iyadoo 2 maalmood kahor uu Wasiir Dibadeedka Ukraine ee Dmitry Kuleba, uu gaashaanbuurta NATO in dalkiisa la siiyo “hub kala duwan.”

Antonov ayaa sidoo kale sheegay in “sahminta millateri” ee Ukraine ee NATO ay bilaabatay waqti dheer xitaa kahor bilowgii ololaha Ruushka ee dalkan deriska ah.

Erayada Antonov, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ukraine “ay Galbeedku hub ku hafiyeen markii uu Madaxweyne Vladimir Zelensky ku dhawaaqay qorshayaasha Kiev ee ah helitaanka hubka nukliyeerka,” isagoo tixraacayey haddal uu Zelensky Febraayo 19, shan maalmood kahor bilowgii weerarka Ruushka ka jeediyey Shirkii Ammaanka Munich, kaasoo ka hor imanaya heshiiskii Budapest Memorandum oo ay Kiev uga tanaasushey hubka nukliyeerka ah.

Hadalsame Media