MW Muuse Biixi xalay si wanaagsan buu ula hadlay Soomaalida marka ”hal kelmad” laga reebo

0

(Hargaysa) 09 Abriil 2022 – Muuse Biixi wuxuu noqday siyaasi waaqiciya, marka laga yimaado “Inta Afsoomaaliga ku hadasha” oo ah weedh aan Soomaalida in loo adeegsado ku habboonayn, haddana Muuse wuxuu u caqli celiyey kuwo badan oo lahaa lacagtaa Muqdisho ka imaanaysa yaan la qaadin.

Muuse wax badan wuu ogyahay ee wuxuu la qaxaa dadkuu isagu waxbadan oo aan suurta gal ahayn u sheegay muddooyinkii dheeraa.

Cigaal Ilaahay hawnaxariistee ayaa Muqdisho tagay 1957-kii wuxuu sheegay in aanu ku arag cid la xiisaynaysey wuxuu xiisaynayey ee midnimada, wuxuu sheegay haddana in uu Muqdisho tegey 1958-kii oo qolkii ay ku shirayeenba laga soo xidhay, haddana wuxuu sheegay 1960kii in uu dadkii u sheegi kari waayey wuxuu soo arkay iyo wuxuu qalbiga ku hayey, wuxuu yidhi anigaa islaan walba la faqay oo waxan ka dhaadhiciyey, dadkiina waaba iga horreeyaan, waan odhan kari waayey waar waxaan idiin sheegay waxbaa ka soo noqday.

Hadda Muuse wax badan oo uu ogyahay dadka uma sheegi karo, sababtoo ah ma dadkiibuu ku odhanayaa waxaan idiin sheegi jiray 40 sano waxba kama jiraan, halkan bulshadu lixdankiina caadifaddaa qanjaha joogtey oo waa tii lagu dhici kari waaayey oo laga kari waayey lix bilood suga iyo laa yaa garaad, haddana caadifaddii oo bil cakis ah ayaa qanjaha joogta, 1960 xaalku jiqin jiqis kuma jirin, laakiin hadda xaalku wuxuu ku jiraa jiqin jiqis iyo meel adag.

Sidaas oo ay tahay arrinta Waaheen wuxuu iska taagay Muuse aragti caqli gal ah oo u danaynaysa bulshada dhibtu gaadhay, mar walbana wuu ka saxsanaa dadkii ku taliyey yaan la qaadin wixii Muqdisho ka yimaada, wuxuuna qaatay argtida odhanaysay wixii dadkaa dhibaataysan wax loogu qabanayo meeshay doonto haka timaadee yaan laga siyaasadeyn.

Waxaase xaqiiqo ah dadka Soomaaliyeed maaha “Inta Afsoomaaliga ku hadasha” in ay si walaaltinnimo leh arrintaa Waaheen uga murugoodeen, sababtoo ah Soomaalidu waa dad wada dhashay oo isku dul nool oo aanay siyaasad kala irdheen markay doonaan in ay xabbadda roodhida ah kala jabsadaan.

Hargeysa waxaa ku nool dad goba marka ay noqoto waxtarka bulshadooda Soomaaliyeed, waana bulsho aan marna ka baaqsan in ay waxtaraan dadkooda kale ee Soomaaliyeed meel kasta haku noolaadeene iyada oo siyaasadda lagu kala duwan yahay, taas ayaana keenaysa in dareenka Soomaali meelkasta oo ay joogaan lagu jiheeyo Hargeysa Baxsan.

Waxaa Qoray: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media