Laba nin oo sidii ay isu garaacayeen halis is geliyey (Ma malayn kartid waxa ay ku murmeen?!)

0

(Dallas) 09 Abriil 2022 – Nin reer Texas ah ayaa xabsiga la dhigay todobaadkan kaddib markii uu si xil leh u garaacay nin ay qol wadaag ahaayeen oo uu ul la dhacay xilli dambe oo habeen ah kaddib markii ay ku murmeen kaneeco.

Victor Symone Shavers, oo 43 jir ah, ayaa wajahaya eedeymo la xiriira weerar daran oo uu gaystey, waxaana uu ku sii jirayaa xabsiga degmada Dallas kaddib markii uu dhacay gacan ka hadal dhiig badani ku daatay.

Shavers iyo saaxiibkiis ayaa labaduba is garaacay oo dhiig baxayey markii Booliska Dallas ay yimaadeen gurigooda Dallas, Texas oo ku yaal 1500 block of Cape Cod Drive, oo u dhow jidwaynaha East Kiest Boulevard iyo South Lancaster Road.

Ninka ay Shavers qol wadaagga yihiin, oo kula kulmay booliiska bannaanka guriga markii ay yimaadeen abbaarihii 2:45 a.m., ayaa sheegay in labadoodu ay ku doodayeen inta ay kaneecadu la egtahay iyo sida ay u egtahay, balse ay xaaladdu faraha mar qura ka baxday, sida uu qorayo Dallas Morning News.

Ninka guriga la degganaa, oo wejigiisu uu weli la dhiigayo saamaynta dagaalka, ayaa ku andacoodey in Shavers uu ul ka soo qaatay sariirtiisa gadaashiisa oo uu bilaabay inuu madaxa kala dhac, isagoo ku dhuftay ugu yaraan lix jeer, sida ku cad dhaar ay mareen.

Ninkii guriga la degganaa ayaa kaddib isna soo qaatay bir sabarad ah oo ku jirtey armaajada wayn ee dharka taasoo uu dhawr jeer madaxa kaga dhuftay Shavers.

Booliisku waxay arkeen Shavers oo sariirtiisa dul fadhiya oo madaxa iyo gacanta ka dhiigaya, sida lagu sheegay dhaarta.

Ninka guriga la deggan ayaa isna dhaawac qoto dheer ka qaba dhabankiisa bidix iyo dhinaca madaxiisa – taas oo u baahatay dhowr qodob oo tolmo ah. Shavers ayaa qadaadka madaxiisa dhaawac uga yaalla, waxaana suurtogal ah in gacani ka jabtay.

Shavers oo qirtay inuu marka hore gacanta qaaday, ayaa loo taxaabay xabsiga, waxaana lagu soo oogay dacwad culus, iyadoo lagu sii dayn karo $28,000 oo curaar ah, waxaana horay loogu helay gacan ka hadal guri oo uu sameeyey bishii Juun.

Hadalsame Media