Xoghayaha Guud ee QM oo soo dhoweeyey isbeddelka ka dhacay Somalia

0

(New York) 07 Abriil 2022 – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa soo dhoweeyay dhismaha cusub ee Howlgalka Midowga Afrika ee Kala-guurka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

War qoraal ah oo uu soo saaray sarkaalka ugu sareeya Qaramada Midoobey ayaa ku celceliyay wax uu ku sheegay “taageerada hagar la’aanta ah” ee Qaramada Midoobey ay siiso Soomaaliya wuxuuna muujiyay “taageerada buuxda” ee ATMIS iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Xoghayaha Guud ayaa ku boorriyey dhammaan inta bah-wadaagta la ah Soomaaliya inay si degdeg ah u xaqiijiyaan maalgelin waarta oo la saadaalin karo oo la siiyo ATMIS-ka iyo agab ay helaan Ciidamada Amniga Soomaaliya si ay u taageeraan is beddelka amni ee dalka.

Madaxa Qaramada Midoobey ayaa rajeynaya in uu si dhow ula shaqeeyo Midowga Afrika, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan bah-wadaagta caalamka, si ay u taageeraan in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Guterres ayaa sidoo kale bogaadiyey guulaha la taaban karo ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu gaaray 15-kii sano ee la soo dhaafay, sida uu yiri.

Waxa uu sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Ciidamada AMISOM iyo dalalka ay boolisku ka joogaan Soomaaliya sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda Soomaaliya, waxa uuna u mahadceliyay dadkii bixiyay naf-hurnimada wayn.

Hadalsame Media