Waxaa jira hal qiil buruqraadi ah oo lagu difaacayo Ergayga Midowga Afrika ee la ”cayriyey” (Muxuu yahay maxaase ka asal ah?)

0

(Muqdisho) 07 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Francisco Madeira, kaasoo sida ka muuqata cod sir ah oo laga duubay dhex boodaya arrimaha gudaha Somalia oo ay tahay inuu dhexdhexaad ka noqdo.

Sidii bilihii dambe jirteyba se waxaa waraaq kasoo daba saaray MW Max’ed Farmaajo oo sheegay in aan arrintaa ”lagu samaynin ogolaansho uu bixiyay oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, islamarkaana aanay jirin warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibedda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

Marka la dhegeysto codka ergayga wuxuu si cad ugu kacay fal si wayn liddi ugu ah madaxbannaanida dalka maadaama uu dhex boodey siyaasaddii dalka taasoo aanu xaq u lahayn marka la eego xayndaabyada ay ku shaqeeyaan diblomaasiyiintu, wuxuu weliba dhowr KM ka fog yahay kana daran yahay qodobkii loo cuskaday cayrintii Ergaygii QM ee Somalia, Nicholas Haysom oo isaga kaliya lagu maagay inuu ka hadlay rayid ku dhintay Baydhabo, iyadoo la yiri ”waxaad faragelisey arrimaha gudaha dalka.”

Haddaba, annaga oo aan dhankaaba aadin aan eegni qodobka uu Madaxwaynuhu ku doodayo ee ah ”in aan ogolaansho laga helin isaga oo aysan soo wargelin WAD Somalia”, taasoo ah arrin buruqraadi ah marka la eego warqad Ingiriisi ah oo uu WAD uga codsanayo inay raalligeliso AU, iyadoo ay markaana imanayso in wasaaraddu hoos tagto Raysal Wasaaraha.

Marka sidaa la yiraahdo waxaa la iska indha-tirayaa 2 xaaladood oo taagan:

1 – Madaxwaynaha & Raysal Wasaaraha kama dhexeeyso wada shaqayn wanaagsan waana nasiib darro ka mid ah dhibaatooyinka ay Somalia wajahayso haatan ee ka dhashay hoggaan xumo uu gacan wayn ku leeyahay isla Madaxwaynuhu oo ku fashilmay inuu doorasho qabto xilligii lagu ballamay.

2Xitaa haddii aanay jirin wada shaqayn wanaagsani kama dhigna in laga gorgortami karo xeerka dalka iyo nidaamyada caalamiga ah oo si cad u qeexaya shaqada diblomaasiga, muhiimadduna waa in lagu socdaa hab-raacyada jira ee dhanka diblomaasiyadda ee uu ergaygu jebiyey, in inta taa laga tago arrimo buruqraadi ah la qiimeeyo oo lagu doodo ”aniga la iima sheegin” waa maangaanbimo iyo mabda’ xumo siyaasadeed.

Weliba haddii si kasta oo la isu khilaafsan yahay ummuuraha dalka la isku waafaqo waxay taasi madaxdan, gaar ahaan Madaxwaynaha siin lahayd fursad kale oo uu kusoo ceshado woxoogaa sharciyad ah bisaylna ku muujiyo.

Sidaa darteed, labadaa arrimood ayaa jira balse middoodna ma bixinayso qiil iyo marmarsiinyo diblomaasi qalaad loogu fasaxo inuu farageliyo arrimaha gudaha dalka. Tan kale in Madaxwaynaha arrimahaa la marsiiyaa waa ishaaraad iyo muujin (sympolic), balse muhiimaddu waa xeerka maxalliga ah iyo midka caalamiga ah oo haddii uu xeerka la leexdo loo daba socon maayo inuu yahay Madaxwayne oo qura oo sharciga ayaa ugu sarreeya dalka.

Tifaftirka

Hadalsame Media