Somalia oo go’aan la yaab leh mar kale ka qaadatay codaynta Ruushka looga eryey Golaha Xuquuqul Insaanka

0

(New York) 08 Abriil 2022 – Golaha Guud ee QM ayaa maanta u codeeyey qaraar uu Maraykanku riixayey oo Ruushka looga eryey Golaha Xuquuqul Insaanka QM, kaddib markii lagu eedeeyey dembiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.

Codaynta ayaa u dhacday 93-24 iyadoo ay 58 dal ka aamuseen, iyadoo sidoo kale la meel mariyey qaraar dalbanaya xabbad joojin iyo inay ciidamada Ruushku halkaa ka baxaan.

Yeelkeede, sida ka muuqata codaynta dalkeenna Somalia oo horayna uga maqnaa codayn ka dhacday Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM oo uu xubin wareegta ka yahay ayaan sidoo kale maantana codayn.

Somalia walow aysan codayn diidmo iyo yeelidba misna ma aamusin sida ay yeeleen 58 dal oo ka tirsan Golaha Guud balse taa biddaalkeeda way maqnayd gebi ahaanba.

Hadalsame Media