“Haddii aad NATO ku biirtaan waxaad jarateen tikitkii burburka!” – Ruushka oo si cad ugu gooddiyey Finland

0

(Moscow) 07 Abriil 2022 – Xildhibaan Ruush ah ayaa ka digey in ay Finland wajihi doonto cawaaqib halis ah haddii ay ku biirto NATO, isagoo sheegay inay ka dhiganayaan “bartilmaameed sharci ah oo ay dhulka dhigi doonaan dalkaasi.”

Dalkan Nordic-ka ah ayaa la dhacsanaa aragtidan iyadoo uu Wasiir Dibadeedkooda  Pekka Haavisto uu maanta sheegay in mowqifkooda ay sharrixi doonaan todobaadyada soo socda.

Yeelkeede, Xildhibaan Vladimir Dzhabarov oo ka tirsan Aqalka Sare ee Ruushka ayaa ku dooday in ku biirista NATO ay Finland uga dhignaan doonto “musiibo daran”, taasoo ah hanjabaad u eg waxa ku dhacay Ukraine.

”Haddii hoggaanka Finland uu dhankaa aado, waa khalad istaraatiji ah. Waayo Finland oo sanadahaa oo dhan ku kobacday xiriirka ganacsi iyo midka dhaqaale ee ay Ruushka la leedahay waxay noo noqonaysaa bartilmaameed,” ayuu yiri, isagoo xusay inay taasi u daran tahay dadka Finish-ka ah.

Senatarkan ayaase muujiyey in dadkaa aan looga yaabin inay saxiixaan “kaarka burburka dalkooda”, sida uu yiri.

Digniintan ayaa imanaysa in Haavisto uu maanta sheegay in dalalka NATO ay u ballanqaadeen inay la gelayaan heshiis ammaan xilliga codsiga xubinnimada oo deg deg lagu samayn karo.

Hadalsame Media