Faallada Francisco waa FADEEXAD qofkii difaacana wuu ku fashilmayaa (Sida Farmaajo u fiicnayd & 4 qodob oo qalloocan)

0
The Special Representative of the African Union Commission Chairperson (SRCC), for Somalia Ambassador Francisco Madeira speaks during an interview in Mogadishu on February 11, 2017. SRCC describes the just concluded electoral process in Somalia as historic and symbolic of better times ahead for the country, recovering from over two decades of civil war. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 07 Abriil 2022 – Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa amray inuu dalka 48 saac gudahood uga baxo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Francisco Madeira, kaasoo sida ka muuqata cod sir ah oo laga duubay dhex boodaya arrimaha gudaha Somalia oo ay tahay inuu dhexdhexaad ka noqdo.

”Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Yeelkeede, waxaa ka daba qaatay MW Farmaajo oo isna kasoo daba qoray warqad uu nuxurkeedu u dhacayo sidatan: ”Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka.

Haddaba, marka la eego sida uu u dhacayo hadalka Danjiraha Midowga Afrika oo ah diblomaasiga ugu sarreeya ee metelaya Howlgalka ATMIS (ex AMISOM) oo weliba ceeb ka dhigaya in wax la mucaarado, xugminaya islamarkaana yaraysanaya qarax dhacay sidoo kalena kala taageeraya dhinacyada is haya weliba si furan, waxaa ka muuqanaya 4 waxyaabood:

1 – Inuu qayb ka yahay khilaafka taagan isagoo dhinac si cad ula safan dhinacna ka horjeeda kuna jeesjeesaya.

2 – Waloow aanu warkiisa saxaafad ugu tala gelin misna wuxuu muujiyey ra’yigiisa ku saabsan xaaladda taagan (status quo), taasoo ka dhigan inuu ka baxay xayndaabkii diblomaasiyadda iyo dhexdhexaadnimadii laga doonayey howlgalka AU oo ujeedkiisa 1-aad yahay inuu taageero DF Somalia si guud ama wadareed.

3 – Maadaama Madeira uu hoostago howlgal ammaan ku saabsan ra’yiganna uu qabo arrintiisu ma aha mid dib loo celin karo ee waa in qof kale lagu soo bedelaa, welibana waa in Midowga Afrika uu raalligelin deg deg ah ka bixiyaa fadeexaddan ay dhex istaageen, marka xisaabta lagu daro shakiyo iyo tuhunno badan oo horay u jirey oo ku saabsanaa dhexdhexaadnimadooda iyo hufnaanta xirfaddooda.

4 – Maadaama uu Howlgalka Midowga Afrika uu dhanka ammaanka mas’uul ka yahay in ninka hoggaaminaya dhinaca siyaasaddu uu sidan u hadlo wuxuu xitaa shaki gelinayaa dhexdhexaadnimada beesha caalamka, haddii aysan arrintan si dhab ah ula dhaqmin.

SIDA FARMAAJO U FIICNAYD?!!

MW Farmaajo waa inuu fahmaa inaysan mar kasta habboonayn inaad raacdo dareen caadi ah (instincts) adigoo wax ku salaynaya hebel aniga ayuu ila jiraa, balse waa inuu mararka qaar noqdaa qof waaqici ah (pragmatic) oo dib u aqriyaa xeerarka u degsan diblomaasiyadda dunida oo aan maanta loo bedeli karin hebel baa i taageersan.

Sidoo kale, waa inuusan illaawin sheekadii uu kusoo cid galay ee ahayd waxaan diidayaa faragelinta shisheeye, qab baan soo celiyey iwm ee aanu haatan noo aqrin in faragelintu u kala baxdo mid sax ah marka ay isaga la jirto iyo mid khaldan uun marka ay ka jirto, taasoo ka dhigaysa mid heeryadiisii si aan ka fiirsi lahayn u raamsanaya.

Haddii uu tale iga yeelayo wuxuu tillaabadan ku raaci lahaa Rooble waxaana uu taa ku kasban kari lahaa taageero iyo sharciyad cusub, balse Ilaahay kuma toosin. Hadda se ha is daba qabto.

Tan lama difaaci karo. Qofkii difaacaba waa ku dufoobayaa.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media