Weerar lagu qaaday Safaaradda Ruushka ee Romania & dhimasho jirta + Sawirro

0

(Bucharest) 06 Abriil 2022 – Nin ayaa subaxnimadii Arbacadan baabuurkiisa ku dhuftay xayndaabka ilaalinaya Safaaradda Ruushka ee Bucharest, kahor inta aanu isku shubin shidaal oo aanu is gubin, sida ay booliisku sheegeen.

Ninkan ayaa la sheegay in maydkiisa laga dhex helay gaariga gubtay markii ay halkaasi gaareen ciidamo gurmad ah. Sida uu Digi24 kasoo xigtey ilo baariseed ficilladiisu waxay ahaayeen ” ulakac.”

Warbaahinta ayaa darawalkan magaciisa ku sheegtay Bogdan Draghici. Waxaa la sheegay in Talaadadii shalay ahayd uun lagu xukumay in ka badan 15 sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay in uu tacadi u geystay gabadhiisa, waxaana horay looga mamnuucay inuu dalkiisa ka dhoofo.

Draghici wuxuu ka mudaaharaadayay oo ka horjeedey ololaha millateri ee Ruushka ee Ukraine, isagoo Facebook ku qoray  laba maalmood kahor dhacdadan saaka isagoo taagan bannaanka dhismaha safaaradda:

“Anigu sidoo kale waxaan ahay reer Ukraine! Way fiicnaan lahayd haddii aan dhammaanteen isu arki lahayn Yukreeniyaan ilaa dagaalkan ba’an, kaas oo bini’aadamka oo dhan gelinaya khatar dhimasho ah, ugu dambeyntii uu dhammaado!”

Draghici wuxuu sidoo kale qoray inuu booqday Kiev, caasimadda Ukraine, 2019-kii.

Hadalsame Media