”Waa nala hayaa oo dunida waa nalaku haystaa!” – Maraykanka oo qiray in godkiisa ay biyo ugu soo galeen

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2022 – Xilli ay dunidu noqonayso mid aan xasilloonayn, “Suurtagalnimada iskahorimaad caalami ah oo wayn ayaa sii kordhaya” sida uu qabo sarkaal sare oo ka tirsan millateriga Maraykanka oo shalay la hadlay Koongarayska.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin iyo Abaanduulka Guud ee ciidamada Maraykanka, General Mark Milley, ayaa difaacay miisaaniyad rikoodh jebis ah oo gaaraysa $773 bilyan oo loo qoondeeyey Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka taasoo ay wasaaraddu haatan u codsaneyso sanad-xisaabeedka 2023 islamarkaana hor taalla Guddiga Adeegga Ciidamada Xoogga ee Koongarayska.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday hadallo aan la soo koobi karin oo ku saabsan cadowga Maraykanka ee Ruushka iyo Shiinaha, oo labaduba ay Washington u aragto inay khatar ku yihiin saamaynta iyo awoodda caalamiga ah ee Maraykanka.

Milley waxa uu weerarkii Ruushka ee Ukraine ku tilmaamay “khatarta ugu wayn ee nabadda iyo ammaanka Yurub iyo sida laga yaabo adduunka” isagoo xusay in 42-kii sano ee uu ka tirsanaa ciidamada Maraykanka aanu arag sida uu adduunku u taageeray Ukraine, sida uu qabo.

“Weerarka Ruushka ee Ukraine wuxuu halis gelinayaa ma aha oo kaliya nabadda Yurub iyo xasilloonideeda, laakiin waa nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah ee ay waalidkay iyo jiil dhan oo Maraykan ihi si adag ugu dagaallameen si ay u difaacaan,” ayuu ku dooday Milley.

”Waxaan hadda wajahaynaa laba quwadood oo caalami ah: Shiinaha iyo Ruushka, oo mid kastaa leeyahay awoodo ciidan oo waawayn, labaduba waxay damacsan yihiin inay bedelaan xeerarka nidaamka caalamiga ah ee hadda jira,” ayuu yiri.

”Waxaynu gelaynaa adduun aad u sii xumaanaya oo ay sii kordhayso, balse aysan yaraanayn, suurtogalnimada iskahorimaad caalami ah oo aad u wayn.” ayuu kusoo af jaray.

Hadalsame Media