Shiinaha oo ka mahmaahay qorshe ay Galbeedku damacsan yihiin oo saamaynaya gobolka Aasiyada Baasifigga

0

(Hadalsame) 06 Abriil 2022 – Dalalka Australia, UK iyo Maraykanka ayaa waxay ballaarin doonaan iskaashigooda hoos yimaada heshiiska saddex geesoodka ah ee AUKUS si ay sidoo kale ugusoo daraan teknoolojiyadda gantaalaha guuxooda ka dheereeya, sida ku cad bayaan kasoo baxay Dowladda Ingiriiska.

Shiinaha ayaa si degdeg ah u cambaareeyay ku dhawaaqistan, iyadoo ergayga Qaramada Midoobay ee Beijing, Zhang Jun uu ka digay inay “horseedi karto in qaybaha kale ee adduunka ay ka kacdo xiisad” la mid ah tan hadda ka socota Ukraine.

Isaga oo tixraacaya diidmada reer Galbeedku kala hortageen hawlgalka millateri ee Ruushka ee Ukraine, Zhang ayaa talo siiyey Maraykanka iyo xulafadiisa, isagoo soo qaadanaya murti Shiinays ah oo leh: “Haddii aadan adiguba jeclayn, ha ku soo rogin dada kale.”

Hoggaamiyeyaasha Australia, UK iyo Maraykanka ayaa qiimeeyay horumarka laga gaaray heshiiska AUKUS ilaa hadda, iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin, sida ay tiri Dowladda UK.

Daaha kama ay qaadin wax tafaasiil ah oo gaar ah, keliya waxay ku nuuxnuuxsatay in Britain iyo Maraykanku ay “si buuxda uga go’an tahay in la sameeyo hab adag oo lagu wadaago tignoolajiyada xogaha tiknolojiyadda gantaalaha guuxooda ka dheereeya.

Hadalsame Media