”Waxaan dhararaynaa in Xildhibaannada la dhaariyo 14-ka Abriil” – Danjiraha Maraykanka ee Somalia

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2022 – Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André Jr, ayaa ugu baaqay madaxwaynayaasha maamullada Jubbaland iyo Hirshabelle inay si dhaqse badan u soo dhameystiraan xubnaha Baarlamaanka ee ku harsan.

Danjiraha ayaa sidoo kale caddeeyey inay ay dhararayaan in dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal lagu qabo waqtigii horay loogu qorsheeyay ee 14 Abriil.

Waxaa kale oo uu Danjiruhu dhinacyada ku boorriyey inay la yimaadaan wadahadal, xeer jajab iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo dhamaystir nabdoon islamarkaana ballaaran lana wada aqbalsan yahay oo lagu soo afjaro hannaanka doorashada Soomaaliya.

Hadalsame Media