Sidan ayaa loo maarayn kari lahaa digniinta NISA haddii ay daacadnimo jirto

0

(Muqdisho) 05 Abriil 2022 – Dad badan ayaa ka fal-celinaya qoraalka muran dhaliska ah ee ay xalay xilli dambe faafisay NISA, kaasoo inta badan la isku waafaqay in lagu xasilinayo yool siyaasi ah oo gurracan.

Haddiiba ay jirto halis ceynkaas ah, iima muuqato sabab bulshada loo khalkhal galiyo.

Xafiisyada iyagaa si hoose xogtan sidan u culus u wadaagi karay, feejignaan wadajir ah la’imaan karay.

Nidaamka dowladda yaan sidii la rabo laga yeelin oo lagu dheelin kabkabkii iyo tolninkii lagu waday wadajirka iyo dib u dhisidda dowladnimada.

Dadka ma aha ciyaal ama doqomo wixii la rabo loo sheegi karo.

Sheeko suuqeedka (Narrative) danaha siyaasadeed laga leeyahay yaan Shacabka sas loogu ridin.

Ramadan Kariim.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media