”Hanala soo doonanina dhibaatooyinka idiin dhexeeya!” – Kooxda Al-Shabaab oo ka jawaabtey farriintii NISA

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay war ay NISA ku sheegtay in maleegayaan shirqool lagu doonayo in lala beegsado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Yeelkeede, sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u lahayn inay ogaato howlgallada ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda,” ayuu yiri sarkaalkan oo aysan magac dhabin warbaahinta kooxdani.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen,” ayuuse daba dhigay.

Waxaa kale oo uu sarkaalkani gebi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka qof lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo e.

Waxa uu intaas ku daray in hadalka kasoo yeeray NISA uu muujinayo inay dhibaato ka dhex jirto dowladda, islamarkaana, sida uu hadalka u dhigay NISA “diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu sarreeysa dowladda.

“In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha dowladdu mar walba bartilmaameed noo yihiin haddana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan.” ayuu ku dooday ninkaasi.

Horay ayaa waxaa u jirtey dood ku aaddan in qoraalka NISA aanu runtii ka tarjumaynin digniinta halis soo socote e uu kaliya yahay mid ay iyadu alliftey, iyadoo dabcan ka talo qaadanaysa madaxda sare qaarkeed, si loo dhaliyo yool siyaasi ah oo qalloocan.

Hadalsame Media