Beesha caalamka oo taageertay qorshaha ah in Xildhibaannada Baarlamanka la dhaariyo 14-ka Abriil

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Beesha Caalamka ayaa taageertay in horay loo ambaqaado u diyaar garowga in 14-ka la dhaariyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka 11-aad, iyadoo dabcan lasii wadayo xallinta murannada kale ee taagan iyo dhamaystirka kuraasida ka harsan maamullada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

“Tiiyoo diiradda la saarayo in kulanka Baarlamaanku uu ku qabsoomo Muqdisho – lana doorto Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha qaranka – waxaan ugu baaqaynaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay xaqiijiyaan in geeddi-socodkani uu noqdo mid ku qotoma wadar-oggol ballaaran,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Waxay tilmaameen in taasi ay si gaar ah muhiim ugu tahay go’aamada ku saabsan goobta, hab-maamuuska amniga, iyo tillaabooyinka kahortagga musuqmaasuqa ee shirarka baarlamaanka ee la xiriira doorashada. Waxaa kale oo ay farta ku godeen muhiimadda ay leedahay in  ah in geeddi-socodka doorashadu uu noqdo mid taageero xoogan ka hela dhinacyada siyaasadda si ay uga dhalato natiijo ay dhammaan sharciyaddeeda aqbalsan yihiin dhinacyadu.

”Madaxda Soomaaliyeed waxay markaas kaddib wax ka qaban karaan arrimaha kale ee mudnaanta u leh ee qaranka, sida ka jawaabidda abaaraha ba’an iyo dhismaha amniga iyo barwaaqaynta Soomaaliya sanadaha yar ee soo aaddan.” ayaa la daba dhigay War Saxaafadeedka beesha caalamka

Beesha caalamka ayaa dhanka kale far ku goddey oo durtay khaladaadkii doorashada haatan gebagebada ah ka dhacay ee faraha badnaa iyo wax ay ku sheegeen ”fashilka niyad-jabka leh ee ku yimid xaqiijinta qoondada 30% ee matalaadda haweenka” ee Baarlamaanka sida uu qabo Heshiiskii 17kii Sebtembar 2020, si ay haweenku door ugu yeeshaan madlaha lagu gaarayo go’aamada masiiriga ah ee dalka Soomaaliya.

Hadalsame Media