”Waa iyaga waxa diiddan!” – Dal wayn oo NATO ka tirsan oo lagu eedeeyey inuu hortaagan yahay in tillaabo adag laga qaado Ruushka

0

(Hadalsame) 04 Abriil 2022 – Dalka Poland ayaa weerar ku qaaday dalka Jarmalku oo ay sheegeen in uu caqabad ku yahay sidii uu cunaqabatayn adag loogu soo rogi lahaa Ruushka, taasoo ka caawinaysa dhaqaalaha dalkaasi in uu sii xoogeysto muddo tobannaan sano ah, sida uu sheegay Ra’isal Wasaaraha Poland, Mateusz Morawiecki oo shir jaraa’id qabtay Isniintan.

Eedeyntan ayaa timid kaddib sheegashadii Kiev ee ahaa in Ruushka uu dembiyo dagaal u geystay dad rayid ah oo ku sugnaa Bucha, oo ah magaalo ku taal woqooyi-galbeed ee Kiev.

Morawiecki ayaa ku eedeeyay ficillada Ruushka ee Ukraine inay yihiin “xumaan saafi ah” wuxuuna sheegay in habka kaliya ee damiir ahaan la aqbali karo ee Midowga Yurub ay tahay in Ruushka lagu soo rogo cunaqabateynta ugu adag ee suurtagalka ah.

“Immisa jeer ayaad la xaajootay [Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin?” ayuu madaxan Polish-ka si fan-hadal ah u waydiiyey Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

“Lama xaajoonaysid dembiilayaasha, balse waad la dagaallamaysaa. Ma la xaajoon lahayd Hitler, Stalin ama Pol Pot?” ayuu is waydiiyey.

Hadalsame Media