DEG DEG: RW Rooble oo amray in la fasaxo malaayiin doollar oo loogu gurmanayo dabka Hargaysa

0

(Muqdisho) 03 Abriil 2022 – Xafiiska RW Max’ed Xuseen Rooble ayaa sheegay in deg deg loo fasaxayo adduun lacageed oo malaayiin doollar ah si wax looga qabto dhibaatada ka dhalatay Suuqa Waaheen ee gubtey.

”Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW.

”Taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.” ayaa la daba dhigay.

Suuqa Waaheen oo ah suuqa furan ee ugu ballaaran magaalada Hargaysa ayaa dhowaad gebi ahaan ku baaba’ay dab ku dhuftay habeen hore, iyadoo ay jiraan gurmad loo fidinayo dadkii halkaa ku xoola beelay.

Lacagtan ayuu horay u diidey Maamulka Somaliland isagoo ka didsanaa in deeqaha loosoo mariyo khasnadaha DF Somalia.

Hadalsame Media