”Iska diiwaangeliya bangiyadeenna!” – Ruushka oo diyaariyey qorshe adag oo uu uga aarsanayo Galbeedka

0

(Moscow) 02 Abriil 2022 – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saxiixay wareegto, taasoo uu ku dalbanayo in gaaska dalkaasi lagu bixiyo lacagta maxalliga ah ee ruble-ka gaar ahaan dalal uu ugu yeerey “kuwo aan saaxiib ahayn”.

Dalalkani waa dawlado cunaqabatayn saaray Moscow dagaalka ka socda Ukraine dartii. Wareegtada Putin waxay dhaqan gashay Jimcihii shalay wuxuuna dal kasta u baahan yahay inuu xisaabo ka furtao bangiyada Ruushka si ay ugu fududeeyaan bixinta lacagaha biilasha ah.

Putin ayaa ugu horreeyn tillaabadan soo hadal qaaday todobaadkii hore, ayaa ku macneeyey in la wareegista reer Galbeedka ee kaydka lacagta adag ee dalkiisu ay la macno tahay in aysan faa’iido dalkiisa u lahayn in lacagayowga Euro ama Dollar lagu iibiyo saadka tamareed.

“Haddii waddammada aynaan saaxiibada ahayn aysan ruble ku bixin lacagta laga bilaabo Abriil 1, waxaan u tixgelin doonnaa inay fasaqmayaan qandaraasyada gaasku, haddii ay dhacdana qandaraasyada jira waa la baabi’in doonaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Ruushku.

Wareegtadiisa cusubi waxay ka dhigan tahay tallaabo loo qaaday dhanka madaxbannaanida maaliyadeed ee dalkiisa. Dawladaha ‘aan saaxiibka ahayn’ ee Putin uu tilmaamay waa Maraykanka, UK, Canada, Australia, Japan, Taiwan, South Korea, Switzerland, 27ka waddan ee ku jira Midowga Yurub, iyo dalal kale oo tiro yar.

Si kastaba, waxaa weli sidiisii u socda qulqulka gaaska uu Ruushku siiyo dalalka EU iyadoo ay wararku sheegayaan in Ruushka laftiisu aanu ku deg degaynin dhaqangelinta tillaabadan maadaama suuqa EU oo ah midka ugu ballaaran marka qaarad ahaan loo eego uu 43% ka yahay miisaaniyadda guud ee Kremlin-ka min 2011 ilaa 2020, iyagoo iibsada ilaa 42% tamarta Ruushanka.

Hadalsame Media