”Halkan lama keeni karo agabka Ciidanka NATO!” – Ruushka & Maraykanka oo isku haya dalal kale oo Soofiyeetka ka tirsanaa

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa Khamiistii sheegay in joogitaanka ciidamada NATO ee bartamaha Aasiya ay wax u dhimi doonto ammaanka isbaheysiga CSTO ee uu Ruushka hoggaamiyo, ee gobolka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin Moscow.

Wasiirka ayaa hadalladiisa ka jeediyay shir madaxeedka Afgaanistaan ku saabsan ​​oo ka dhacay magaalada Tunxi ee dalka Shiinaha, kaasoo ay garwadeen ka yihiin Ruushka iyo Shiinuhu.

“Waxaan rumaysan ahay inay tahay wax aan la aqbali karin in kaabayaal millateri oo Maraykan iyo NATO ah, ama dadka ku caawiya arrimaha Afgaanistaan ​​​​ah, lagu arko dhulka dowladaha deriska ah, gaar ahaan bartamaha Aasiya,” ayuu yiri Lavrov, isagoo raaciyay “naqshadahan oo kale waxay ka soo horjeedaan danaha amniga ee dalalkeenna.”

Waxa uu intaa ku daray in jiritaanka goobaha millateri ee reer Galbeedku ay ka horimaanayaan danaha Ururka Nabadgelyada Wadareed (CSTO) oo ka kooban lix xubnood, oo dhammaan ka tirsan dalalkii hore ee Soofiyeedka.

Dalalka ku midaysan dalladda ammaan ee CSTO ee uu Ruushku kabraalaha ka yahay waxay kala yihiin: Russia, Armenia, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, iyo Uzbekistan

Hadalsame Media

 

Facebook Comments