Golaha Ammaanka oo si rasmi ah u bedeley magaca & ujeedka Howlgalka Midowga Afirka ee Somalia

0

(Hadalsame) 01 Abriil 2022 – Golaha Ammaanka ee QM ayaa si rasmi ah ugu codeeyey Howlgalka Kala-guurka ah ee  ATMIS, si uu u bedelo Howlgalkii AMISOM oo Somalia ka shaqaynayey 15 sanadood.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa qaraar cusub oo uu tirsigiisu yahay 2628 ku ansixisay qorshaha cusub ee ATMIS.

ATMIS waa qorshe ammaan oo kala guur oo looga gol leeyahay in mas’uuliyadda amniga dalka marka dambe lagu wareejiyo Ciidanka Ammaanka Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Golaha Ammaanka ku bogaadinaysaa taaageeradooda xilligi ay socdeen wada hadallada guddiyada farsamo ay uga arrinsanayeen sidii howlgalka ATMIS uu u noqon lahaa mid si sax ah u shaqeeya kuna wareega Qorshaha kala Guur Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo Wasaaradda Arrimaha-dibedda

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo soo jirey tan iyo 2007-dii wuxuu ku ekaa 31 Maarso, waxaana shaqada kala wareegay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee xilliga kala guur ee ATMIS kaas oo sii shaqeyn doona ilaa 2024.

Hadalsame Media