“Waa jab xun!” – Ukraine oo qiratey kaabe muhim ah oo uu Ruushku gebi ahaanba ka burburiyey

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa ku dhowaad ​​gabi ahaanba burburiyey warshadaha difaaca ee Ukraine waxayna haatan “dhameystirayaan” kuwa rayidka ah, sida uu sheegay La-taliyaha Madaxweynaha dalkaasi ee Volodymyr Zelensky, Alexey Arestovich, oo maanta hadlay.

Isagoo ka hadlaya wareegii ugu dambeeyay ee wada-xaajoodyadii u dhexeeyay Kiev iyo Moscow, kaas oo horaantii todobaadkan ka dhacay Istanbul, Arestovich wuxuu hoosta ka xariiqay in “duullaanka baaxadda lee ee millateri aanu meesha ka saaraynin heshiis nabadeed iyo tanaasul dhexsada dhinacyada.”

“Sababtoo ah labada dhinacba waxaa soo gaaray khasaare. Haddii aad u malaynaysaan in aanu khasaare na soo gaarin, markaas aad baad u khaldan tihiin. Waxay si dhab ah u burburiyeen warshadeenna millateriga haddana siyaabo badan ayay u dhamaystirayaan kuwii rayidka ahaa, oo ay si bareer ah u burburiyeen,” ayuu raaciyey.

Waxa uu ku andacoodey in hadafka Ruushku yahay in Ukraine laga dhigo dowlad aanu “qofna danaynaynin” “sida dhul baaba’ay.”

“Tani waa sida cad waa waxa ay sameynayaan wayna sii wadi doonaan inay sidaa yeelaan.” ayuu carrabka ku adkeeyay.

Yeelkeede, Ruushka ayaa waxa uu ku adkaysanayaa in aanay bartilmaameedsanin xarumaha rayidka ah,waxana ay ku eedeeyeen “wadaniyinta Ukraine” in ay dadka caadiga ah u adeegsadaan gaashaanka bini’aadmiga.

Hadalsame Media