Laba su’aalood oo bilyan doollar ah oo ka dhashay khudbaddii qiiraysnayd ee RW Rooble

0

(Hadalsame) 31 Maarso 2022 – RW Max’ed Xuseen Rooble ayaa xalay munaasabad loogu ducaynayey xildhibaanad Aamino Max’ed Cabdi ka sheegay in dadka diley Xildhibaanadda ay sidoo kale yihiin isla kuwii khaarajiyey isla Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa marka laga soo tago inuu ku hadlay erayo aad u hooseeya xirfad ahaan, erayayn iyo gudbin ahaanba, misna wuxuu u muuqdey nin sheegaya in laftiisa loo caga jugleeyo oo loo hanjabo.

Kelmadaha ”mar hore ayaan dhintay”, ”dad baa isku deyaya inay i handadaan”, ”caawaba inaan soo baxo la iima ogolayn”, qiirada ooyin xigeenka ahayd ee wejigiisa ka muuqatey iwm, waxaa sidoo kale hadalkiisa ka dhalanaysa su’aal adag.

Rooble ayaa muujinaya inuu la socdo qorshe aysan dadku ogayn sida ”qof meel laga soo kexeeyey”, ”lacag lagu bixiyey”, ”dad uu sheegay inay arrintaa maleegeen”, IWM.

Waxaa la iisoo diray farriin aan weli hayo oo ay ku qoran tahay: ”Furitaanka kursigaas Aamino waxaad leedahay wixii aad ka hesho!” ayuu yiri RW Rooble oo aan intaa u dhaafin tafaasiisha arrintan.

Su’aalaha bilyanka doollar joogaa waxay yihiin: Haddii uu Rooble intan oo xog ah hayey muxuu usoo gudbin waayey xilligii ku habboonaa, haddii xitaa aanu is lahayn way dhici kartaa oo uu yaraystay se muxuu uga daba tegi waayey oo arrintan uga hadli waayey tan iyo maalintii qaraxu dhacay oo ahayd 23-kii Maarso?!!

Haddii uusan arrintan la xaali karin se muu dadwaynaha usoo gudbiyo oo xilka iska wareejiyo walba, maadaama uu muujinayo debecsanaan la xijin karo habacsanaan iyo jileec aan looga baahnayn hoggaan dal?

Tifaftirka

Hadalsame Media