Turkiga & Israel oo isla karinaya qorshe uusan Ruushku ku farxi doonin

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2022 – Dhuumo qaadaya gaaska dabiiciga ah oo isku xiraya Turkiga iyo Israa’iil ayaa looga hadlayaa daaha gadaashiisa mid ka mid ah biddaalka Yurub ee sahayda tamarta Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda iyo kuwa wershadaha labada waddan. Laakin waxay baahan doontaa hab-dhaqaaq adag si heshiis loo gaaro, ayay xuseen.

Arrintan oo markii ugu horreysay laga fikirey sannado kahor, fikradda ayaa ah in la dhiso dhuumo badda hoosteeda mara oo ka yimaada Turkiga oo la geeyo saldhigga gaaska dabiiciga ah ee ugu wayn ee Israa’iil, Leviathan.

Gaas ayaa deeto u qulquli doona dhanka Turkiga oo uu uga sii gudbi doono koonfurta Yurub ee deriska la ah ee doonaya in ay beddel u helaan sahayda tamarta Ruushka.

Turkey iyo Israel ayaa sheegay inay weji cusub u yeelayaan xiriirkooda oo sanado murugsanaa kaddib markii uu Me Israel ee Isaac Herzog uu booqday Ankara.

MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa todobaadkii tegey sheegay in iskaashi dhanka gaaska ihi uu “ahaa mid ka mid ah tillaabooyinka ugu muhiimsan ee ay si wadajir ah u qaadi karaan,” wuxuuna u sheegay wariyeyaasha inuu diyaar u yahay inuu wasiirro sare u diro Israa’iil si ay u soo nooleeyaan fikradda dhuumaha oo hawada ku jirtay sannado badan.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in wadahadalladu ay sii socdeen tan iyo booqashadii Herzog “go’aamo la taaban karana” ay soo raaci karaan bilaha soo socda si la isula jeexo dariiqa iyo hay’adaha ka qayb galaya.

Si kastaba Ruushka oo Turkey iyo Israel ay ka mid yihiin dalalka diidey inay go’doomiyaan ayaan tillaabadan u arki doonin mid saaxiibtinnimo.

Hadalsame Media