Ruushka oo gobol dal kale ka tirsan kusoo dari raba Federayshanka Ruushka (Waa gobolkee?)

0

(Hadalsame) 30 Maarso 2022 – Gobolka South Ossetia, oo ah jamhuuriyad qayb ahaan uu Ruushku aqoonsan yahay oo ku taal gobolka Caucasus ama Qoowqaasiya, ayaa dhowaan qaadi doonta tillaabooyin ay isku dayayso inay ku biirto Federaalka Ruushka, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha gobolkaasi, Anatoly Bibilov.

Dunida inteeda badani waxay dhulkan si rasmi ah ugu tixgelisaa qayb ka mid ah dalka Georgia, inkastoo Tbilisi aysan gacanta ku hayn aaggan tan iyo burburkii Soofiyeedka 1991-kii, sida ay qorayso warbaahinta Ruushku.

“Waxaan aaminsan ahay in lamidowga Ruushku uu yahay yoolkayaga istaraatiijiga ah. Jidkeenna qura, himilooyinka dadkeenna. Waxaana ku socon doonnaa dariiqan. Waxaan qaadi doonnaa tillaabooyinka sharciga ah ee ku habboon mustaqbalka dhow. Jamhuuriyadda Koonfurta Ossetia waxay noqon doontaa qayb ka mid ah waddankeeda taariikhiga ah – Ruushka,” ayuu yiri Bibilov.

Waxay South Ossetia ku taallaa Koonfurta Caucasus, waxayna dagaal ba’an la gashay Georgia, horraantii 1990-meeyadii, waxaana Ruushku u aqoonsaday jamhuuriyad madax-bannaan kaddib dagaalkii millateri ee 2008-dii u dhexeeyay Ruushka iyo Georgia, taas oo ay sabab u ahayd ciidamada Tbilisi oo duqaymo u gaystey gobolka, halkaas oo ciidamada uu Ruushku ku tilmaamay nabad ilaalin la dhigay.

Ruushka oo Georgia xilligaa u cantuugey sida Ukraine ayaa sidoo kale ka gooyey Abkhazia oo dhinaca kale ee badda xigta ku taalla, waloow Abkhazia oo uu sidoo kale Ruushku u aqoonsan yahay dal madaxbannaan aysan iyadu sheegin inay ku biirayso Ruushka.

Waxaa sidoo kale aqoonsan dalal fara ku tiris ah oo Ruushka la olog ah sida Venezuela, Nicaragua, Nauru iyo Syria. Waloow aysan Moscow arrintan ka hadlin misna waxaa la fahamsan yahay inay iyadu ka hadashiinayso Bibilov.

Hadalsame Media