”Isku gacan ayay ku bexeen!” – RW Rooble oo isku xirey dilkii Aamina & midkii Ikraan Tahliil + Sawirro & Muuqaal

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2022 – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Waxaa kulankan ducada ah kasoo qayb galay madax fara badan oo ay ku jiraan Madaxwaynayaal hore, Guddoonkii hore ee Labada Aqal, RW Hore, iyo madax xilal kala duwan dalka kasoo qabatay.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo madasha khudbo ka jeediyey ayaa isku xiriiriyey dilkii khaarajiska ahaa ee kiiskii hore ee aan weli la xallin ee Ikraan Tahliil oo ay Aamina si wayn ugu doodi jirtey kahor intaan lafteeda lagu dilin qaraxii ay dadka badani ku dhinteen ee Beledwayne.

“Waxaan aaminsanahay in gacanta ka gardan ee Aamina dishay inay aheyd gacantii ka dambeysay Ikraan Tahliil.” ayuu yiri RW Rooble oo ballanqaaday in kiiskan la baari doono.

Hadalsame Media

Hadalsame Media