Qalabka daruuraha lagu biiriyo oo markii ugu horreeysey la keenay dhulka Soomaalida (Daawo)

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2022 – Agabka lagu buufiyo daruuraha ee Cload Seeding ayaa markii ugu horreeysey soo gaarey dhulka Soomaalida.

Agabkan ayaa la keenay laguna rakibay meel u dhow magaalada Jigjiga iyadoo mid kalena lagu rakibay Qabri Bayax.

Gidamu Getenet oo aqoon u leh sida uu agabkani u shaqeeyo ayaa sheegay in qalabkani aanu daruur iyo roob midna keenin balse uu daruurta biiriyo.

Wuxuu sheegay in marka laga soo tago agabkan dhulka lagu rakibo oo buufiya maaddo qaac oo kale, uu sidoo kale nooc kale oo dayuuraduhu qaadaan oo hawada lagu buufiyo.

Maaddooyinka Sodium Chloride & Potasium Chloride ayaa hawada lagu buufinayaa iyadoo lala eeganayo marka ay daruuro teel teel ihi hawada soo galaan, iyadoo agabkan laga hagayo Addis Ababa.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media