Farmaajo, Fahad & rag kale oo laga dacweeyey Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ (Daawo)

0

(Nairobi) 28 Maarso 2022 – Kornayl Cabdullaahi Nasri ayaa sheegay inuu gal dacwadeed ka dhan ah MW Max’ed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin gaarsiiyey Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Nasri ayaa sheegay in Aamina Max’ed intii aan la khaarajin ay ka ballanqaadday inay kiiskiisa hor gaynayso Baarlamanka 11-aad oo ay haatan doorashadiisu gebagebo ku dhowdahay.

Ninkan ayaa intaa raaciyey in dacwaddan oo uu sidoo kale Kenya ka furayo ay ku saabsan tahay tacaddi iskugu jira mid niyadeed iyo mid jireed oo aanu weli kasoo kaban oo lagula kacay.

Wuxuu sheegay in ragga uu ku dheggan yahay ay ka mid yihiin Farmaajo, Fahad, Yaasiin Fareey, Kulane Jiis iyo Cabdullaahi Dheere, Ibraahim Macallin, Axmed Carab iyo qaar kale.

Wuxuu sheegay inuu hayo caddaymo badan oo ku saabsan dhibka loo gaystey iyo dadka u eedaysan, kuwaasoo uu durba la wadaagey cidda ay khuseeyso.

Halkan ka daawo war uu siiyey Universal

Hadalsame Media