DF Somalia oo heshiis muhim ah la gaartey dalka Qadar & meesha diiradda la saarayo

0

(Dooxa) 28 Maarso 2022 – Wasiiru-dowlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Somalia, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, ayaa magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu ka socdo Shirka Madasha Dooxa, waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula gaarey dalka Qadar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in heshiiskan lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee dalalka Soomaaliya iyo Qadar kaasoo lala galay Sanduuqa heer qaran ee Qatar Fund.

Is-afgaradkan ayaa lagu taageeri doonaa waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursad u helin in ay aadan dugsiyada, waxaa kale oo lagu tayaynayaa waxbarashada dalka iyadoo wax lagaga qabanayo la dagaallanka heerka hooseeya ee aqris-qoris la’aaneed ee dalka.

“Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ihi waa mid aan ku dardar gelinayno dedaalka aannu ku bixinayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsiinno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kalena kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xilligii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada.” ayuu yirii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada DF Somalia.

Waxaa madashii lagu saxiixay Heshiiskan Is-afgaradka ah sidoo kale joogey Danjiraha DF ee dalkan Qadarm Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, La-taliyaha Wasaaradda Waxbarashada, Siciid Jaamac Guuleed, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan DF Somalia.

Somalia ayaa u baahan kaabayaasha muhimka u ah kobaca dadka si loo dhiso raasumaalka dadwayne ee dalka oo ah mid ka mid ah kuwa ugu liita caalamka, heerka aadka u sarreeya ee jahli iyo midka adeeg dartood.

Hadalsame Media