Dal qofka shaqada laga cayrinayo haddii uu soo shaqo tago isagoo garka xiirtay ama uu Salaadda sagsaago

0
Portrait of a young cool man with beard and black curly hair, isolated on white background

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Kooxda Daalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa amar ku siiyay dhammaan shaqaalaha dowladda inay garka daystaan oo ay u hoggaansamaan nidaamka lebbiska Islaamka ama ay halis ugu jiraan in shaqada laga eryo, saddex ilood ayaa sidaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters.

Ilahan ayaa sheegay in wakiillo ka socda Wasaarad ay u dhistay Daalibaan oo la yiraahdo Wasaaradda “Faafinta wanaagga iyo kahortagga Munkarku” ay ilaalo ka hayeen waddooyinka soo gala xafiisyada Dowladda Isniintii maanta si ay u hubiyaan in shaqaaluhu ay u hoggaansameen xeerka cusub.

Shaqaalaha ayaa lagu amray in aysan garka xiirin, isla markaana ay xirtaan dharka wadaniga ah oo ka kooban surwaal dheer iyo shaar fallaax ah ama debecsan iyo koofiyad ama cimaamad.

Waxaa sidoo kale loo sheegay inay hubiyaan inay salaadda tukadeen waqtiyada saxda ah, laba ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sidaa sheegay.

Shaqaalaha ayaa loo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aysan awoodi doonin in ay galaan xafiisyada dowladda, ugu dambeyntiina lagaba eryi doono shaqada haddii ay fulin waayaan nidaam lebiskan, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Anshaxa Bulshada ayaan ka jawaabin codsi loo jeediyey si uu arrintan uga faalloodo.

Todobaadki hore, Daalibaan ayaa ka mamnuucday haweenka in ay raacaan duullimaadyada dayuuradaha haddii uusan la jirin qof rag ah oo muxrim ah, waxayna weli furi la’yihiin dugsiyada gabdhaha sidii ay ballantu ahayd.

Axadii waxay sidoo kale amar ku bixiyeen in jardiinooyinka markii la aado dadka lagu kala saaro dhanka jinsiga, iyadoo haweenka loo ogol yahay inay galaan 3 maalmood todobaadkii, raggana 4ta maalmood ee kale, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa ah, taasoo la micne ah in xitaa lammaanaha iyo qoysaska is qaba aysan wada booqan karin jardiinooyinka lagu nasto.

Hadalsame Media