Baba Vanga oo 25 sano kahor dhimatay oo saadaalisay cidda ku guulaysanaysa Dagaalka Ukraine!!

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Haweenay indhool ah oo beri hore dhimatay ayaa saadaalisay in Ruushku uu ku duuli doono Ukraine iyo weerarradii 9/11 ayaa sheegtay in Vladimir Putin uu noqonayo ‘Odayga Adduunka’.

”Dad badan ayaa dhibbane noqonaya, balse qofna ma istaajin karo Ruushka. Waa la wada dhalaali doonaa sidii baraf, balse midka qura ee aan la taabanaynin waa guusha Vladimir, guusha Ruushka.” ayay saadaalisay.

Haweenaydan oo naanays ahaan loo yaqaaney Nostradamus-kii Balkan-ka, lana yiraahdo Baba Vanga oo sidoo kale indhool ahayd, ayaa dhimatay 25 sano kahor 1996-kii, iyadoo 84 jir ah, waxayna arrintan saadaalisay 1979-kii in Ruushku uu xukumayo adduunka, mar ay waraysi bixisay, sida uu qoray Daily Mail.

Waxay sidoo kale samaysay saadaal cabsi badan oo ku saabsan in haddii uu dhaco Dagaal 3-aad halis loogu jiro adeegsiga hubka wax gumaada ee nukliyeerka, iyadoo waraysiga oo ay siisay qoraaga Valentin Sidorov ku sheegtay in aan Putin laga badinaynin.

Vanga oo Bulgaria u dhalatay ayaa horay sidoo kale u saadaalisay dhacdooyin caalami ah sida 9/11, cudurka faafa ee Coronavirus, musiibadii wershadda nukliyeerka ee Chernobyl ee Ukraine ee 1986, geeridii Princess Diana ee 1997 iyo degitaankii gujiskii Ruushka ee Kursk ee 2000 oo ay ku baaba’een dhammaan badmaaxyadii saarnaa.

FG: Wixii dhici doona Alle unbaa og, warka Vanga waxaan kasoo qaadaynaa saadaal toostay.

Hadalsame Media