Youtube oo Dowladda Ingiriiska ka caawiyey tirtiridda muuqaallo ay ku ceeboobeen wasiirro waawayn & wixii kasoo fakaday

0

(London) 27 Maarso 2022 – Waxaa Youtube laga tirsan muuqaal ay soo bandhigeen 2 nin oo Ruush ah oo ah kuwa dadka ka boollaysta oo soo bandhigay muuqaal kaas oo mid ka mid ah labada nin, uu iska dhigayo Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denis Shmygal, oo u sheegaya Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain, Priti Patel, inuu rajaynayo in Britain ay ogolaato “cunsuriyiinta Ukraine” ee dhanka midig ee degaya dalkooda. Halkan ka arag qaybtii hore ee aan qornay oo Youtube-ka laga saaray.

Patel oo aan dhadhansan biyo dhaca warkan ayaa sheegay in dadweynaha Ingiriisku aysan ka welwelsanayn arrintaas, iyadoo sidoo kale sheegtay inuu Ruushku ”cawaan” yahay iyo inay basaasi doonaan dadka Ruushanka ah ee ku dhaqan UK.

Nimankan ayaa xitaa ka boollaystay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska oo YouTube ka dalbatay in laga saaro dhammaan muuqaallada wacitaanka Wasiirka Gaashaandhigga ee Ben Wallace oo ay laftiisa iskaga dhigeen Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denis Shmygal.

Wasaaraddu waxay ku marmarsootay in “Dowladda Ruushku” ay mas’uul ka tahay wicitaankan iyadoo ku doodday in la tifaftiray wixii uu Wasiirku u sheegay Vovan iyo Lexus, oo magacyadooda dhabta ihi ay yihiin Vladimir Kuznetsov iyo Aleksey Stolyarov, oo lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan Kremlin, ama laamaha kale ee Dowladda Ruushka.

Waxyaabaha wasiir Wallace ay waydiiyeen waxaa ka mid ah haddii London ay diyaar u tahay inay ka caawiso Kiev inay dib u bilowdo barnaamijkeeda nukliyeerka. Wuxuu ku jawaabay, “Ruushka runtii arrintaa wuu neceb yahay,” wuxuuna u xaqiijiyay inay u taageeri doonaan Ukraine saaxiib ahaan doorasho kasta aad sameysaan” isagoo moodaya inuu la hadlayo RW Ukraine.

Waxaa kale oo uu xitaa kashifay in Millateriga Britain ay ka dhammaanayaan Gantaallaha kahortagga Taangiyada ee guurguura, sababo la xiriira inay cadad fara badan siiyeen dalka Ukraine si ay iskaga dhiciyaan Ruushka.

Muuqaalladaas oo dhan ayaa haatan laga masaxay madlaha Youtube, iyadoo ay dad badani arrintan ku tilmaameen laba-wejiilayn ku aaddan xorriyadda hadalka oo haatan isu sii rogaysa mid had iyo jeer ku salaysan sida ay Galbeedku wax u arkaan oo qura.

Hadalsame Media