Sirdoonka Millateriga Ukraine oo ka walaacsan arrin uu la maaggan yahay Ruushku

0

(Kyiv) 27 Maarso 2022 – Ciidamada Ruushka ee kusoo duulay Ukraine, oo hadda si tartiib tartiib ah ugu sii socda caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayaa laga yaabaa inay isku dayaan inay dalka u kala qaybiyaan laba qaybood, oo la mid ah Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, sida uu sheegay sarkaal Ukraine ah maanta.

Kyrylo Budanov, oo ah Madaxa Sirdoonka Millateriga, ayaa hadal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in istaraatiijiyaddan ay ka dhalan karto in Madaxweyne Vladimir Putin uu iska dhaadhiciyo inuu ku guul darreystay inuu “wada qabsado Kyiv oo uu meesha ka saaro dowladda Ukraine”.

“Waxaa jira sababo lagu aamino in laga yaabo inuu isku dayo inuu soo rogo xad u dhexeeya gobollada la haysto iyo kuwa uu qabsan waayey ee dalkeenna. Dhab ahaantii, waxay noqon doontaa isku day lagu dhisayo Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ukraine ah,” ayuu yiri Budanov.

Labada Kuuriya ayaa weli farsamo ahaan dagaal ku jira kaddib markii 1950-53 iskahorimaadku uu ku dhammaaday is-afgarad xabbad joojin ah halkii uu ka dhici lahaa heshiis nabadeed oo rasmi ah, kaas taasoo labada dal u yeeshay xuduud aan la geli karin, wax lagu tilmaamay xadka ugu ciidan badan uguna adag caalamka.

Soohdintoodu waa 248 kiiloomitir oo ah aag dheer oo loo yaqaan Aagga Ciidamada ka Caaggan (DMZ).

Hadalsame Media