Jeneral Polish ah oo ku baaqay in la sheegto gobol Ruushka ka tirsan & Ruushka oo ka caroodey (Dib u eegis taariikheed)

0

(Warsaw) 26 Maarso 2022 Warsaw waa inay sheegataa “sheegashada” gobolka Kaliningrad ee Ruushka, ayuu soo jeediyey Jeneraal Waldemar Skrzypczak oo ahaan jiren Taliyihii Ciidamada Dhulka ee Poland oo sheegay gobolkani uu ku hoos jiray gumeysiga Ruushka tan iyo 1945-kii, mar uu la hadlayey showga TV-ga ‘Super Express’ Jimcihii.

“Waxaa laga yaabaa inay mudan tahay in la sheegto, maadaama dhulkan la qaatay,” ayuu yiri Skrzypczak, isaga oo tixraacaya dhulalki Jarmalka Bari ee lagu daray Poland kaddib guuldarradii Nazi-gii Germany. “Gobolkan Kaliningrad, fikradeyda, waa qayb ka mid ah dhulka Poland.” ayuu raaciyey.

Taariikhiyan, kaddib jabkii Nazi-gii Germany ee Dagaalkii Labaad ee adduunka, gobolkiisii ​​Bariga Prussia ee Jarmanka waxa uu u kala jabay oo loo kala qaybiyey Midowgii Soofiyeeti iyo Poland.

Midowgii Soofiyeeto ayaa waxa uu helay qiyaastii saddex meelood meel dhulka gobolkaasi ka midka ahaa, oo ay ku jirto magaalada Konigsberg (oo loo yaqaan Kaliningrad tan iyo markaas), iyada oo haatan magacaa la wada siiyey Gobolka Kaliningrad ee haatan jira.

Burburkii Midowgii Soofiyeeti kaddib, gobolku waxa uu weli sii yahay gobol ka tirsan Ruushka isagoo xuduud la leh Poland iyo Lithuania, balse ka go’an Ruushka khariidad ahaan.

Sheegashadan dhiirran ee uu ku dhawaaqay Skrzypczak waxaa ka qayliyey saraakiil Ruush ah, iyadoo uu Gudoomiyaha Kaliningrad ee Anton Alikhanov uu sheegay in jeneraalkan Polish-ka ihi uu sida muuqata doonayey inuu dib ugu laabto qarnigii 17aad.

Waqtigaas, Duchy of Prussia wuxuu ahaa ugaas hoos tegayey Taajkii Poland, laakiin waligiis ma ahayn qayb si rasmi ah uga mid ah Poland. “Ma fahmin sida Prussia u noqotay Poland,” ayuu Alikhanov u sheegay wargeyska Komsomolskaya Pravda.

“Tani, dabcan, waa cajiib. Bariga Prussia waa gobol, si adag ugu hadla, Jarmalka. Waxaan xasuusannahay taa, oo sida muuqata ka duwan tan aragtida jeneraalka.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media