MW Kuuriyada Woqooyi oo isu ekaysiiyey atoore caan ah markii uu tijaabinayey gantaal halis ah

0

(Pyongyang) 26 Maarso 2022 – Kuuriyada Waqooyi ayaa shaacisay inay ridday gantaalkeeda ugu weyn ee ballistic-ga ee isaga gudba qaaradaha.

Telefiishanka ay dowladdu maamusho ayaa laga sii daayay warkan oo jahwareer baahsan ka dhaliyay caalamka.

Xilliggan Kuuriyada Waqooyi waxaa loo arkay inay heystaan wax aanay habbooneyn: Waxaana lagu tilmaamay in tijaabada hubka loo jilay sida filim-ka Hollywood-ka ee Mareykanka.

Waxaa uu teleefishinka laga baahiyay – Kim Jong-un oo ku labisan jaakad maqaar ah iyo awkiyaale madow xilli la arkayay muuqaallo wax lagu dar daray iyo muusig cajiib ah.

Teleefishinka Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan baahiyaa cuntada qoyska Kim Jong-un, iyo dacaayadaha ku saabsan heesaha militeriga iyo bandhiga filimada ku saabsan waddaniyadda iyo waxqabadka dowladda.

Kim Jong-un oo toos u daawanayay tijaabinta gantaalka

Xigashada Sawirka, EPA, Kim Jong-un oo toos u daawanayay tijaabinta gantaalka

Tijaabada hubka gantaalka qaaradaha isaga kala goosha ayaa ka duwana kuwii hore, maadama si ka duwan kuwii hore loo baahiyay, warka baahintiisa wuxuu ku yimid qaab wargelin ah.

Waxaana la baahiyay muuqaal 15 daqiiqo ah oo sida riwaayad ah loo soo jilay, waxaana kasoo muuqday hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo iska bixinaya awkiyaalihiisa si uu si toos ah ugu eego tijaabinta hubka isaga o oleh “Aan sameyno arrintani”

Waxaana muuqaalka lagu laray muusig xamaasad kicinayo iyo dhawaaqa gantaalka la riday iyadoo warka ay akhrineysay gabadha caanka ah ee baahisa warka Kim Jong-un, Ri Chun-hee oo ay reer galbeedka u yaqanaan “Pink Lady”.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa la barbardhigay muuqaalka sida Top Gun, Thunderbirds iyo filimada Bollywoodka.

Dadka qaar ayaa sheegay in Kim iyo Jeneraaladiisa oo ka soo baxayay hangar ku yaal garoonka caalamiga ah ee Pyongyang xilli ay ag taagnaayeen qalabka laga rido gantaalaha riddada dheer ay sidoo kale u muuqdeen kuwo isku ekaysiinaya atoorayaashii filimkii 1983-kii ee The Right Stuff.

Muuqaalka ma shacabka Kuuriyada Waqooyi baa loogu talagalay?

Waa muuqaal ku cusub daawadaaysha teleefishinka Kuuriyada Waqooyi-marka laga reebo muuqaallada laga keeno dibadda ee sida sharci darrada ah lagu soo geliyo dalkaas, kuwaas oo kuwa ku lugta leh ay halis ugu jiraan in la marsiiyo ciqaab adag- hadda ka hor muuqaal sidan ah kama soo muuqan shaashadaha Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong-un atoore isu ekeysiiyay

Xigashada Sawirka, Reuters,Kim Jong-un atoore isu ekeysiiyay

Waxay u muuqataa in waaxda dacaayadaha ee xoogga leh ee waddanka ay ogaatay inuu jiro ficil dheellitiran oo halkan ku jira. Waxay abuureen muuqaal cusub oo xiiso u leh daawadayaasha gudaha – oo sidaas awgeed, shaqeynayaa sidii kor loogu qaadi lahaa hanka qaranka iyo sawirka Kim Jong-un.

Muuqaal sida oo kale waxaa la baahiyay sanadkii 2019 xilli uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu koray buurta Paektu isaga oo saarnaa faras, waxaa uu muqday nin caateysan.

Dadka ka dambeeya dacaayadda Kuuriyada Waqooyi waxay sidoo kale ogaayeen in muuqaalka gantaallada lagu ridayo uu hadal heyn badan ka dhalin doono dibadda, markaa waxaa laga yaabaa in muuqaalka si ula kac loogu ekeysiiyay filimada Hollywood-ka.

Maxay tahay farriinta uu gudinayo?

Guud ahaan, waa mid kalsooni buuxda leh.

Gantaalka waxaa laga ganay garoonka diyaaradaha ee Pyongyang Sunan, haddii gantaalka lagu guuldareysan lahaa wuxuu burbur xooggan gaarsiin lahaa garoonka diyaaradaha iyo dhismooyinka ka ag dhaw.

Gantaalka Hwasong-17- waa hub uu si weyn ugu faano hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Wuxuu farriin u diraya caalamka- gaar ahaan Mareykanka- oo uu u sheegayo in Kuuriyada Waqooyi ay gantaalka ku garaaci karto meel kasta oo dunida ka tirsan waa haddii lagu soo xaadgudbo.

Farriintan qaabka filimka Hollywood-ka loogu diray waxaa uu dareen ka dhaliyay gudaha Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalka riddada dheer ee Hwasong-17 ayaa sannadkii 2020-kii markii ugu horeysay lagu daah furay dhoolatus militari markaas oo cabirkiisu amakaag ku riday xitaa falanqeeyayaasha iyo khibrada hubka ee caalamka.

Kuuriyada Waqooyiga waxay leedahay mid ka mid ah ciidamada ugu badan adduunka waxaa ciidankeeda lagu qiyaasaa hal milyan halka kuwa keydka ku jirana lagu qiyaaso ilaa 600,000.

Inta badan qalabkeeda waa duugoobay, laakiin ciidamadeeda caadiga ah waxay weli waxyeelo weyn u geysan karaan Kuuriyada Koonfureed haddii uu dagaal dhaco.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ku sugan ku dhawaad ​​tobanaan kun oo ciidamo gaar ah kuwaas oo la filayo in ay gudaha u soo galaan koonfurta hadii uu wax iska hor imaad ah dhaco .

gantaalka

Xigashada Sawirka, North Korea state media

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media