”Muxuu ula jeedaa dhaqaaqan?” – Ruushka oo qaaday tillaabo walaac badan ku abuurtay reer Galbeedka

0

(Moscow) 26 Maarso 2022 – MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa dhowr gujis oo waawayn u diray woqooyiga Badwaynta Atlaantigga saacado yar uun kaddib markii uu heeganka geliyey ciidamadiisa nukliyeerka  isagoo wada duullaanka Ukraine, sida haatan la ogaadey.

Taliye ka tirsan Ciidanka Badda Britain ayaase sheegay in diritaanka gujisyadan oo uu midkiiba sido 16 gantaal oo baalistig ah oo nukliyeer xambaarsan ay yihiin shaafeertan iyo is muujin in ka badan inta ay yihiin u diyaar garow dagaal.

In kasta oo ay ku soo laabteen dhinaca Ruushka wax yar kaddib, hay’adaha sirdoonka reer Galbeedku waxay hubka nukliyeerka ee Kremlin – oo la rumeysan yahay inuu yahay kan ugu ballaaran adduunka oo dhan 4,477 oo madax – ay si joogto ah sahan ugu hayeen.

John Kirby oo ah Afhayeenka Pentagon-ka ayaa sheegay in uusan weli arag wax calaamad ah oo muujinaya in Ruushka uu isku diyaarinayo in uu isticmaalo hubkan, balse taasi aysan waxba ka taraynin in ay dejiso hogaamiyayaasha caalamka ee walaacsan, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka, kaddib markii Putin uu mar qura ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ukraine isagoo sameeyey hanjabaad khafiif ah oo nukliyeer ah.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in adeegsiga Ruushka ee hubka Nukliyeerka ah ee laga gano biyaha hoostoodu ay tahay wax aan “lagu fikiri karin” balse qaar ayaa rumeysan in adeegsiga gantaalaha ‘taatikada’ ah ee riddada gaaban – kuwaas oo loogu talagalay in lagu burburiyo bartilmaameedyo gaar ah halkii magaalooyin dhan la burburin lahaa – ay suurtagal tahay.

 

Hadalsame Media