Maraykanka oo muujiyey sida uu maaro ugu la’yahay Ruushka kaddib hadal kasoo yeerey Biden (Daawo)

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2022 – Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden, ayaa ku baaqay in Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin xukunka laga tuuro.

Waxa uu si toos ah baaq ugu diray shacabka Ruushka mar uu khudbad ka jeedinayay magaalada Warsaw ee caasimadda Poland, halkaas oo uu Sabtidii kula kulmay madaxda sare ee Ukraine.

“Ilaah dartiis, ninkani siima hayn karo xukunka,” Biden ayaa wuxuu sidaa ku dhawaaqay dhamaadkii khudbad qiiro badan oo ka dhacday Qasriga Boqortooyada ee caasimadda Poland.

In kasta oo uu hore ugu dhaleeceeyay Putin inuu yahay “Dambiile dagaal” iyo “kaligii taliye,” oo uu ugu yeeray dhammaan noocyada kale ee aflagaaddo ee siyaasadeed, tani waxay ahayd codsigiisii ugu horreeyay ee la duubay ee uu si toos ah ugu baaqo in madaxweynaha xilka laga qaado.

Biden wuxuu kaloo si toos ah ula hadlay “dadka Ruushka”, isagoo ku adkeystay in kasta oo toddobaadyo lagu ciqaabayay cunaqabatayn laguna khasbay boqollaal shirkadood oo Maraykan iyo Yurub ah inay dalka ka baxaan, “in dadka Ruushka ihi aanay ahayn cadowga ay beegsanayaan.”

Maraykanka ayaa muujinaya sida isa soo taraysa ee uu ugu caal waysan yahay Ruushka gaar ahaan Putin, iyadoo uu siyaasi kale oo ka tirsan Baarlamanka Maraykanku uu horay ugu baaqay in la khaarajiyo Putin.

Hadalsame Media