”Inta meel iskugu geeyeen ayay…!” – Ciidamada Kenya oo markale dad rayid ah ku waxyeelleeyey Somalia

0

(Hadalsame) 26 Maarso 2022 – Warbixin ay soo saartay hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay dilal ay Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ka gaysteen qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan tuulada lagu magacaabo Raaskambooni oo dhacda dhanka fog ee Jubbada Hoose.

Hay’adda ayaa intaa raacisay in ciidamadu ay si ku tala gal u beegsadeen dad shacab ah oo reer guuraa ah oo 3 qof ka koobnaa, islamarkaana u kala kaceen dilal sharci darro ahaa oo ku dhacay dadkaasi rayidka ah.

Dalladda Difaacayaasha Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed ee CSHRDS ayaa aad u cambaaraysay falkan waxashnimada iyo naxariis darada ah ee ay Ciidamada Kenya ee KDF u gaysteen dadkaasi rayidka ah ee aan dagaalka kula jirin, ayaa ku qornayd warbixinta CSHRDS.

CHRDS ayaa sidoo kale soo jeedisey in shilkan lagu sameeyo baaritaan caalami ah oo deg deg ah, si loola xisaabtamo ciidamada falkaasi gaystay. iyadoo AMISOM ugu baaqday inay deg deg u qaado tillaabo ka dhan ah Ciidamada Kenya oo sidoo kale horay marar badan Somalia, gaar ahaan Gobolka Gedo uga gaystey tacaddiyo kala geddisan.

Hadalsame Media